|

Xukuumadda Siilaanyo Oo Lumisay Kalsoonidii Dawladaha Jaarka iyo Djibouti iyo Ehtiopia Oo Mamnuucay Baasaboorka Somaliland

Hargeysa:June,30,2014(SDN/QJ)–Dawladaha Djibouti iyo Ethiopia oo ahaa labada dawladood ee  kali ah ee lagu geli jirey Bassaborka somaliland ayaa si rasmi u mamnuucay in dalalkooda lagu soo galo.

psDawladahan ayaa tallaabadan ay qaadeen sabab uga dhigay aamin darro iyo xidhiidh ay fahmi waayeen oo ay kala dulmeen xukuumadda madaweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinteeda ugu sarreeya.

Safaaradda dalka Ethiopia ku leedahay magaalada Hargeysa ayaa fiisooyinkii dal ku galka dalka Ethiopia ee ay ku dhufan jirtay baasaboorka Somaliland gebi ahaanba joojisay, waxaana dadkii hore u dalbaday fiisooyinka dib loogu soo celiyey baasabooradoodii, halka masuulkii u qaabilsan xafiiska dalka Ethiopia ku leeyahay Somaliland dhinaca fiisooyinkana dib loogu yeedhay magaalada Addis Ababa.

Dalka Ethiopia ayaa gebi ahaanba xidhay xuduudka wajaale ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, iyadoo ciidamadda dalka Ethiopia ee xuduudka labada dal u dhexeeya jooga ay dib u celinayeen dadka watay baasabooradda Somaliland ee wata fiisadda dalka Ethiopia, isla markaana keliya loo ogolaanaayey inay gudaha Ethiopia gallaan dadka wata mustawaqaha ama waraaqaha dhalashada ee dalka Ethiopia.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Jibouti  ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in la joojiyey Baasaboorkii Somaliland, iyadoo ay socoto Baadhitaano  lagu wado walid dadka lagu Tuhunsan yahay Qaraxyadii Djibouti oo lagu Hawllan yahay.

Go’aamadan ay qaateen Dalalka Ethiopia iyo Djibouti ayaa loo aanaynayaa salka ku haya qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Djibouti oo  dadkii soo abaabulay la sheegay inay Somaliland ka tageen, waxana ay taasi shaki gelisay Dawladahan oo marka horeba qabay shaki ka dhan ah kooxaha Alshabaabka.

Dawladda Madaxweyne Siilaanyo ayaa haatan u muuqata mid lumisay Kalsoonidii Dawlaha Deriska ee dhinaca Xogta iyo ammaanka ee ay Dawlahada Deriska la lahayd.

Xaaladdani go’doonsan ee Somaliland gashay, isla markaana labadii dal ee Somaliland la dariska ahaa isla markaana ahaa albaabka Somaliland beesha caalamka kala xidhiidho ku soo rogeen Somaliland, ayaa horseedi kara dibu dhac weyn oo ku yimaadda meeqaamka siyaasadeed iyo ka ammaan ee gudaha Somaliland.

Mar horeba waxay xukuumadda Siilaanyo Lumisay Kalsoonida Shacabkeeda, waxase Haatan soo kordhay inay Xoorto oo lumiso Kalsoonidii yarayd ee Dawladaha Ethiopia iyo Djibouti inagu qabeen, taas oo ay Galaafteen Wasiirro ku Guuldarraystay innay Xilalkooda si habasi ah u gutaan.

 SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed