Uncategorized

Xulka Gebilay oo ka Dul talaabsaday dhigiisa Sool,iyo Awdal oo Guratay Dhibcihii Togdheer

Hargaysa 12.June (SDN)  Xulalka Gobolada Sool iyo Gebilay oo ku wada Jira Group-ka C ayaa Maanta Fooda isku daray Ciyaar adag oo ka mid ah Tartanka Ciyaaraha Gobolada ee Ka Socda Garoonka Hargaysa Stadium,Halka Gobolka Awdal uu Gurtay Dhibcihii Gobolka Togdheer.

Ciyaartan oo ahayd Mid Xamaasad badani ku Dheehnayd Isla Markaana ay daawashadeeda ka qayb galeen Dadweyne Tiro badan oo kala taageerayay labada Xul ayaa qaybtii hore ee Ciyaartu waxay ku dhamaatay bar bar dhac Eber iyo Eber ah.

Markii la isugu soo noqday Qaybtii labaad ee Ciyaarta ee Xul kastaa la soo tashaday Tababarahooda ayaa labada Xulba waxay Isku qaadeen Qaab Ciyaareed Xirfadaysan oo ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis, Hasa Yeeshee Ciyaar yahanka lagu Magacaabo Mukhtaar Guray                  ee Xulka Gobolka Gebilay ayaa u saxeexay Kubad  si qurux badan looga soo shaqeeyay ,Markaas kadib ayaa waxaa Weerar ku soo qaaday Xulka Gobolka Sool waxaana u suuro gashay inay la Yimaadaan Goolkii barbar dhaca ahaa,oo uu u dhaliyay Ciyaar yahanka lagu Magacaabo Axmed Ciise ,hasa yeeshee may Mahadin Xulka Sool ee Waxaa ka daba yimid Xulka Gebilay oo daqiiqado yar kadib markii goolka laga dhaliyay la Yimid Goolkoodii Labaad ee Guushu ku raacday kaas oo uu Shabaqa Xulka Sool daba Mariyay Ciyaar yahanka lagu magacaabo Guuleed sitana Nombarka 12aad .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com