|

Akhri Magacyada Afar Maxbuus Oo Lagala Baxay Jeel Doolow Ku Yaalla, Kadibna La Toogtay

Doolow:Aug,31,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Deegaanka Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay Saldhig halkaas ku yaallla lagala baxay Afar maxbuus, kadibna lagu toogtay Meel aan saldhigga ka fogayn.

garIllo Xog-ogaal ah ayaa warbaahinta xaqiijiyey in Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha & Amniga Mamaulka Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur (Janan), uu bixiyay Amarka lagu dilay Dadkaasi Maxaabiista ahaa.

Magacayada Dadka sida Arxan-darrada ah ay Ciidanka Axmed Madoobe ugu dileen ayaa waxay kala yihiin;

1 – Axmed Maxa’ed Guurow, oo ah Oday Caan ka ah Gedo oo dhawaan kasoo laabtay Muqdisho

2- Aadan Deerow Cabdulle

3- C/risaaq Faarax Mire

4 – Sanyar Xuseen Maxa’ed, waa Haweeney Reer Doolow ay si fiican u yaqaanaan

Dilka 4-tan Ruux ee Rayid ah ayaa waxa uu dhacay Maalintii Shalay Gelinkii danbe, waxaana soo sheegay sidaasi Dad Reer Miyi ah oo Dilka uu agtooda ka dhacay.

Ma jiraan warar madax bannaan oo caddaynaya xogaha sheegaya inuu Maamulka Jubba ka dambeeyaan Dilka Dadkaas rayidka ahaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed