Adan April 07 3013 (SDN) —- Hay’ada Cunada aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay (WFP),ayaa shaacisay in dowlada Yemen ay kala saxiixdeen heshiis ku aadan sidii loo quudiin lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhibaateysan.
Lubna Alaman oo ah agaasimaha hay’ada Cunada aduunka ee dalka Yemen,ayaa sheegay in xaalada Qaxootiga Yemen ay qatar ku jiraan,balse uu tilmaamay in inta karaankooda ah ay dadaali doonaan,isagoona hoosta ka xariiqay inay siiwadi doonaan cunaqeybintooda inta baahida ay dabaalayaan.
Wuxuu shaaca ka qaaday Lubna Alaman,inay yareyn doonaan Macluusha haysata carruurta iyo hooyooyinka,sidoo kale wuxuu cadeeyay inay sare u qaadi doonaan qeybinta cuntooyinka,si ay ula dagaalamaan dhibaatooyinka Qaxootiga Soomaaliyeed soo wajahay iyo kuwa kaleba.
Mas’uulkaan ayaa carabaabay in maal gelin ay ka heleen wadamada Deeq bixiyaasha oo kala ah Japan, Mareykanka , Canada, Midowga Yurub, Finland.iyo Germalka.
Dalka Yemen ayaa waxaa ku dhaqan Soomaali badan oo qaxooti ahaan u tahay dalkaasi,kuwaasi oo dalkooda kaga tagay dhibaatooyin ay sheegeen inay ku noolaa waayeen.
Dhibaatada Soomaalida ku haysata ayaa la sheegaya inay sii baaheyso,iyagoo halku dhigooda uu Noqday yaa Mar qura wadankiina hooyo nagu celiyo ku celiya.
SDN-Aden
