Cadan Mar 21,2012(SDN)-War ay shalay shaacisay wasaarada daakhilga ee dalka Yemen ayaa lagu sheegay in ciidamada Amaanka ay gacanta ku dhigeen lix ruux oo Soomaali ah oo lagu tuhmay in ay ka garab dagaalamayeen koox xagjiriin ah.
Gobolka Abyen oo ay ka dagaalamaan kooxda Ansar al-Sharia ayaa waxa dhawaan gaadhay 300 oo ka mid ah degaalyahanada Shabaabka oo halkaa u Jihad doontay.
Wasaarada Daakhiligu waxa ay sheegtay in raga la qabtay la baadhayo isla markaana iminka la geeyay magaalada Cadan.
Kooxda Al Qaacida xidhiidhka la leh ee Ansar al-Sharia ayaa dhawaan dalka Yemen ku dilay nin Mareykan ah oo Malin ahaa.
SDN-Sanca
