Berbera- Urur-siyaasadeedka RAYS oo kamid ah 15ka urur ee diiwaangashan ayaa noqday Ururkii Kaalinta koowaad ka galay Gobolka Saaxil ururada ilaa hada laga diiwaan galiyey Kunka qof oo madaxtaabasho ah kuwaas oo ay Gudida Diiwaan galintu shuruud kaga dhigtay Ururadu inay buuxiyaan.
Gudida Diiwaangalinta Ururada Siyaasiga ah ee Somaliland oo ku sugan Magaalo madaxda Gobolka SAAXIL ee Berbera, ayaa waxa ay saaka magaaladani ka bilaabeen diiwaanglainta kun qof oo madaxtabasho ah, kuwaasi oo ka mida shuruuhada lagu kala reebayo ururada siyaasiga ah.
Wejigan Seddexaad ee ay taageerayaasha Ururka RAYS isugu soo baxeen Xafiiska xarunta dhexe ee Berbera ay ku leeyihiin ayaa waxay ku soo baxeen Kaalinta kowaad, kadib markii guddida diiwaangelintu kormeer ku mareen Kumanaan qof oo Rays ah oo luxayey, isla markaana qaar ku labisnaayeen calanka Ururka RAYS..
Weriyayaasha Togaherer oo u kuur galayay hab sami u socodka kormeerka ururrada ee Gobolka Saaxil ayaa soo werinaya in Magaalada ilaa Shalay galinkii hore laga dareemayay dhaqdhaqaaq xoogan oo ay samaynayeen Masuuliyiinta iyo aasaasayaasha urur siyaasadeedka RAYS oo u diyaar garoobayay kormeerka manta lagu samaynayay.
Subaxnimadii saaka waxa Xarunta dhexe ee urur Siyaasadeedka Rays ku leeyahay Berbera waxa ku waabariistay taageerayaasha urur Siyaasadeedka Rays oo iyagu Tubnaa safaf dhaadheer.
Gudoomiyaha urur siyasadeedka Rays Md. Xassan Maxamed Gafaadhi oo taageerayaashooda la hadlay markii Kormeerka Guddidu dhamaaday ayaa uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay isu soo abaabuleen “Walaalyaal Taageeradan Xad dhaafka ah ee aad isugu soo baxdeen waxay muujinaysaa taageerada uu ururkani ku leeyahay Gobolka Saaxil’-sidaa ayuu yidhi Md. Xasan Gaafaadhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa kaloo ay muujinaysaa in aydun awood uleedihiin in aydun soo saartaan musharaxiintiina Golaha deeganka ee gobolkan ka sharaxan waxa kaloo ay dhiirigalin u tahay taageeradan faraha badani Taageerayaasha ururka ee debedaha jooga ee ina daawanaya”.
Md. Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare oo kamid ah Masuuliyiinta Sarsare ee urur siyaasadeedka Rays oo Togaherer wax ka waydiisay dareenkiisa ku wajahan Kormeerka Guddidu ku martay ururkooda Rays xafisikiisa Berbera iyo waliba Kalsoonida uu kaqabo reer Berbera ayaa uga Mahad celiyay taageerayaashoda sida ay isugu soo baxeen“Shacabka reer Berbera iyo guud ahaanba gobolka Saaxil waanu u mahadnaqaynaa oo Hambalyo ayaanu leenahay cududiinii baad muujiseen annaga oo markii horeba kalsooni buuxda idinka qabnay, run ahaantii si wanaagsan oo wadaniyada iyo Rays-nimo leh baad u soo baxdeen.” Ayuu yidhi Md. Dhoolayare.
Waxa kale oo Mr. Dhoolayare Hambalyo u diray Guddida diiwaangelinta oo uu ku bogaadiyay sida ay hawsha u wadaan “Waxa kale oo aanu hambalyaynaynaa Guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta Qaranka sida wanaagsan ee habsamida leh ee ay hawsha kormeerka u wadaan, hambalyo ayaan idin leeyaya, waxa iyaguna xusid mudan Ciidamadda Amaanka oo iyagu ah lafdhabarta hawshan amnigana si fiican oo feejigan u sugayay”.
Togaherer oo Aadan Dhoolayare waydiisay Suaal u dhignayd Saadaasha iyo rajada ay ka qabaan Wejiga afraad ee Kormeerka ay Gudidu ku marayso Berri gobolka Togdheer ayaa waxa uu kaga jawaabay “Waxaan Gobolka Togdheer khaasatanna magaalo madaxdiisa Burco bulshada ku nool ee Taageerayaashayada ah ugu baaqaynaa in Berri Si habsami leh ugu soo diyaar garoobaan Madax taabashada Guddida diiwaangelintu ku Kormeerayaan xafiisyada ururada, oo Ururkayagan Rays kamid yahay, waxaan leeyahay si fiican isu soo abaabula oo u soo diyaar garooba oo inaga giijiya oo sida 3dii gobol ee la soo kormeeray oo kale wacdaro muujiyaan. Soo qaata Astaanta iyo calanka ururkeena oo barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen ee kalsoonida 1aad ee Rays ka qabo gobollada idinkaa kamid ah ee ogaada”.
Waxa kale oo Md. Dhoolayare Farriin u diray Taageerayaasha ururka Rays iyo guud ahaanba Shacabka kudhaqan gobollada Bariga oo Guddidu ku sii jeedo marka Berri ay dhamayso Togdheer “insha allah marka berri gobolka Togdheer la dhameeyo waxa loo gudbi doonaa labada gobo lee hadhay ee bariga kuwaasna waxaanu ka filnaaba waa Wacdarihii aanu gobollada kale ku soo aragnay oo kale, shacabka ku dhaqan labadaas gobolna waxaan leeyahy guntiga sii giijista oo dardar ku qaabila kormeerka, waliba taageerayaashada ayaan farriiintaas halkan uga gudbinayaa, Amaanka iyo nabadgalyadana heegan u ahaada”.
Wejigan 4aad ee ay taageerayaasha Ururka Rays berri isugu soo bixi donaan Burco ayaa la sugayaa in sidii gobollada kale wacdaro muujiyaan Maadaama Ururka Rays uu ka soo gudbay, isla markaana Wacdaro ku dhigay Wejigii 1aad, 2aad iyo 3aad ee taageerayaashoodu isugu soo baxeen Magaalo madaxyada Gobollada Galbeedka Dalka.
Warqabadka Togaherer
Hargeysa, Somaliland








