09,May,2014(SDN/QJ)- Madaxii Hore ee Laanta Afka-Somaaliga-ga ee BBC-da,Yuusuf Garaad Cumar si aad ah uga Hor yimid Dawladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,isaga oo sheegay in habdhanka Xukuumaddu aanau ahayn mid la Aqbali karo.waxaa uu intaas raaciyay in sii socoshada Hab-dhaqanka Dawladda uu Hogaamiyaha ka yahay Xasan Sheekh,aanay dani ugu jirin Dalka iyo Dadka Somaliyeed.
Waxaana uu sidaas ku sheegay Qoraal Kooban oo uu maanta soo dhigay Barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook.
Waxaana uu dhignaa sida tan:
“Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh dhaliilaheeda lama soo koobi karo. Hab-dhaqankeeda siyaasadeedna ma aha mid la aqbali karo. Haddii ay ku sii socotana ma arko si ay dalka dan ugu tahay. Laakiin – Goorma ayaa lixdii tiir ee Murashax Madaxweyne, Xasan Shiikh, uu soo bandhigay lagu daray Dastuurka? Maxaa keenay lixdii qodob ayaad jebisay ee iska tag? “.
Dhinaca kalena Hadalkan Yuusuf Garaad,ayaa ku soo beegmaya xili uu Socdo Mooshin Balaadhan oo la rabo in meesha looga saaro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Culusaw.
SDN/QJ-Nairobi
