Madaxweyne Xasan oo la kulmay Haweenka Baarlamaanka

Muqdisho February 12, 2024 (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo kulan wadatashi ah la qaatay xubnaha haweenka ah ee ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee dhameystirka howlaha horyaalla, hanaanka dowlad dhisidda, Dastuurka, iyo dib u dhiska…

Read More

Baarlamaanka oo ansixiyay heshiiskii EAC

Muqdisho February 10, 2024 (QJ) -Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay in dalka uu ka mid noqdo ururka Bariga Afrika ee EAC. Ansixinta Baarlamaanka ayaa heshiiskan u gogol xaareysa dhameystirka xubinimada Soomaaliya ee ururka, oo EAC ay u qabatay muddo lix bilood ah in lagu dhameystiro heshiiska. Golaha Wasiirada ee Wadamada Bariga Afrika…

Read More

Taliyeyaal Imaraadka ka yimi oo Muqdisho lagu laayay

Muqdisho February 10, 2024 (QJ) -Taliyeyaal ka mid ahaa ciidamada Imaaraadka ayaa lagu dilay weerar maanta ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho, kadib markii lagu beegsaday askar ka tirsan ciidamada milateriga dowladda iyo kuwa imaraadka. Askariga weerarka geystay ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay Taliyeyaasha Imaaraatka Carabta xilli…

Read More

Turkiga iyo Soomaaliya oo heshiis iskaashi sexeexday

Istabul February 10, 2024 (QJ)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Yasar Güler. Kulanka dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Turkiga Yasar Güler ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, sugidda…

Read More

Istiraatiijiyadda Qaran ee ka hortagga Xagjirnimada oo laga dooday

Muqdisho February 07, 2024 (QJ) -Kulan ujeedadiisu tahay soo bandhigista iyo falanqaynta Istiraatiijiyadda Qaran ee ka hortagga Xagjirnimada, ayna soo qaban qaabisay Hay’adda Tubsan ayaa ka furmay magaalada Muqdisho. Kulanka Istaraatiijiyadda La-dagaalanka Argagaxisada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Hay’adda Tubsan, Diblumaasiyiin Caalami ah, Wakiilo ka kala socday Hay’adaha kala duwan ee QM, ATMIS,…

Read More

Puntland Authorities capture pirates and smugglers

Garowe February 07, 2024 (QJ) -Recent reports coming from Puntland regions indicate that security forces have conducted operations capturing individuals suspected of involvement in illegal activities, including piracy and smuggling weapons. The operation took place in the Raas Caseer region, resulting in the arrest of three individuals. The regional commander of the area, Brigadier Fu’aad…

Read More

Soomaaliya iyo Ugaandha oo iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Kampala February 06, 2024 (QJ) -Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin oo maalmahan ku sugnaa dalka Uganda ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Milatariga Uganda Gen. Wilson Mbadi. Labada Taliye ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, iyadoo dowladda Uganda ay ballan qaaday inay Soomaaliya ka taageeri doonto…

Read More

Abiy Axmed oo ka hadlay heshiiska Badda ee Somaliland

Addis Ababa February 06 2024 (QJ)-Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta hortagay Golaha Wakiilada Itoobiya ayaa ka jawaabay su’aalo ay wakiiladu ka weydiiyeen heshiiskii dhinaca badda ee dhawaan dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland. Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladda Itoobiya aysan marnaba dooneyn in ay colaad la gasho Soomaaliya. Wuxuu ku eedeeyay dalal uusan magacaabin…

Read More

SOLJA oo eedeysay xukuumada Somaliland

Hargeysa February 04, 2024 (QJ) -Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay xadhiga Suxufiyin badan oo dhawaan lagu xir xidhay sharci daro. Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA Shaafici Maxamed Ibraahim oo warbaahinta la hadlay, ayaa dhaliilay xadhiga Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo ah Mulkiilaha MMTV. Waxa uu walaac ka muujiyay xadhiga Ilig oo muddo 29…

Read More

Soomaaliya oo shirka ka hotaga argegixisada ka qeybgashay

Riyadh February 04, 2024 (QJ) -Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kaga qeyb galay shirkii labaad ee Wasiirada Difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada Islaamka (IMCTC). Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa faah faahin ka bixiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka argagixisada…

Read More