Dhegeyso Hees loo qaaday Degmedda Sallaxley

    London Oct 20,2013(SDN)-Akhristeyaal waxaanu halkan idiinku heynaa hees cusub oo loo qaaday degmedda Sallaxley ee gobolka Hargeysa oo nooceeda aan hore loo arag waa ereyadii iyo Lxanakiii Cabdi Baadil iyoLuuqdii  Sahra Ceydiid Musiguna waa Maxamed Weynow alla weyne. [peckplayer id=”1″ sound=”togaherer.com/wp-content.uploads/2013/Hees_Salaxleey_hadal_last.mp3″]  

    Read More

      Weftigii ka Socday Dawlada Jabuti ee Ku Sugnaa Ismaamulka Kililka 5aad ee Itoobiya oo u Kicitimay dhanka Magaalada Diridhaba

      Jig Jiga 21.October 2013 (SDN)- Iyadoo ay waayadan danbe ku soo qulqulayaan Deegaanka Soomaalida Itoobiya Wufuud heerar kala duduwan leh oo ka socda DFI, 9ka-Deegaan,2da-Ismaamul,Saxaafadaha-Dalka,Qorayaasha,Taariikhyahanka,Hobolada-Caanka ah,Ganacsatada ugu waawayn DFI,Qaybaha Odoyaasha Dhaqanka iyo farshaxaniistayaasha Dalka uguna danbeeyeen waftigan Balaadhan ee ay Hogaaminayeen raysal-wasaare kuxigeenka DFI,Afhayeenka Golaha Federatinka oo ay wahelinayeen Wasiiro Heer Federaal ah madaxweynayaasha 9ka…

      Read More

        “Waxaan idinku hambalyaynayaa Dagaalka iyo Adkaysiga aad u Yeelateen Nimankan Cadowga ku ah Dalka iyo Diinta” Madaxweyne Xasan Sheekh {DHAGAYSO}

        Muqdisho 20 October 2013 (SDN) Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay inay Xukuumadiisa ka Go’an tahay sidii ay dalka Somalia uga Sifayn lahayd Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab oo dhibaato nabadgalyo daro ku haya Somalia. Madaxweynuhu waxa uu Xusay inaanu marnaba ilaabayn kaalinta ay Ciidamada Qalabka Sida ku leeyihiin la dagaalanka…

        Read More

          ‘’Hadii aan ku soo laabano xafiiska doorashooyinka Janury, 2014 waxaan balanqaadaynaa inaan dib u furno axsaabtii aanuna horey u ambaqaadno nidaamkii Dimqoraadiyada’’ Madaxweyne Faroole {DHAGAYSO}

          Garowe 20.October 2013 (SDN)-Magaalada Garowe waxa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador Nicholas Kay kaasi oo booqasho ku tagay magaalada. Ka dib kulan ay ku yeesheen labada dhinac Madaxtoyada Garowe ayna goob joog ka ahaayen xubno ka socday Puntland iyo Qaramada Midoobay ayay si wada…

          Read More

            Wasiirka Gaashaandhiga Somalia iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Magaalada Beledweyne

            Beledweyne 20.October 2013 (SDN)- Wafdi  wasiirro ah oo uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah wasiirka Khayraadka Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo mas’uuliyiin kale. Ujeeddada socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay in tahay in shacabka gobolka…

            Read More

              Gudida Nabadgalyada iyo Difaaca ee Golaha Guurtida oo Soo Jeediyay in Golahoodu uu Iskaashi wada shaqayneed la Yeesho Hay’adaha amaanka {DHAGAYSO}

              Hargaysa 20.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Gudida siyaasada nabadgalayada iyo difaaca Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo Maanta ka hadlay Fadhigii Golaha Guurtida ayaa Mudanayaasha aqalkaasi Waxa uu ka warbixiyay xog waraysiyo ay la yeesheen masuuliyiinta kala duwan ee qaabilsan  ammaanka dalka ,waxaanu intaa ku daray Gudoomiyaha gudidu in ay kulmo la yeesheen wasiirada wasaaradaha arimaha Gudaha…

              Read More

                Golaha Guurtida oo loo Qaybiyay Xeerka Booliska Somaliland oo ay Hore u soo Ansixiyeen Golaha Wakiiladu

                Hargaysa 20.October 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha guurtida oo uu shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaashii ka soo xaadiray waxa loo qaybiyay xeerka booliiska xeerlanbar 63/2013. Xeerkaas  oo Gudoomiye ku xigeenku ku war galiyay mudanayaasha in ay  ka soo baaraan degaan. Waxa  mudanayaashu fadhigaas  warbixin kaga…

                Read More

                  Shakhsiyaad ku eedaysan Qaraxii Maalintii Shalay ka Dhacay Magaalada Beledweyne oo Xabsiga loo taxaabay & Dhaawicii oo Muqdisho la Geeyay DAAWO

                  Beledweyne 20.October 2013 (SDN)- Ciidamada ammaanka dowladda federaal-ka  ah Soomaaliya ee magaalada Beledweyne ayaa maanta gacanta ku dhigay dad lagu tuhun sanyahay in ay ku lug leeyihiin qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee  ay ku dhinteen 16 qof, kuna dhaawacmeen 30 kale. Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan, Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa warbaahinta u…

                  Read More

                    Hargeisa: Egal Airport Immigration Officers Arrest Four Suspects, Recover Stolen Baby

                    Hargeisa, Oct 20, 2013 (SDN) -Immigration department officers in Hargeisa’s Egal international airport have recovered a six-month-old baby reportedly stolen from the Gulf countries. The abducted toddler was found at Egal airport while the kidnappers were trying to traffic the baby to Somalia via Mogadishu-bound flight. Egal airport immigration boss Major Abdi Sulaiman Adam, who…

                    Read More

                      Wasaarada Maaliyada ee Somaliland oo Bilawday Hawlgal ku Wajahan Cashuur ururinta Wadooyinka

                      Hargaysa 20.October 2013 (SDN)- Wasiiru dawlaha Wasaaradda  Maaliyadda Jamhuuriyada Somaliland  Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiidi [Caddaani] ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay in la bilaabay olalaha cashuur ururinta wadooyinka dalka. Wasiiu dawlaha wasaarada maaliyadda Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiidi [Caddaani] oo warbaahinta kula hadlaayay xarunta wasaarada maaliyadda ayaa sheegay in olaluhu maanta oo a ay bishu tahay…

                      Read More

                        Kismaayo: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawlada Federaalka iyo Madax uu Hogaaminayo oo Booqasho ku Yimid Kismaayo

                        Kismaayo 20.October 2013 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose. Wafdiga  ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba. Booqashadan ayaa la sheegay inay xiriir la leedahay heshiiskii dowladda federaalka…

                        Read More

                          Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka Deg Dega ah oo Punt land ay Ugu Deeqday Save The Children

                          Garowe 20.October 2013 (SDN)- Hay’adda Save the Children ayaa maanta labo gaari  oo gurmadka deg-deg  ah oo deeq ah ku wareejisay wasaaradda caafimaadka ee maamulka Puntland. Madaxa  hay’adda Save the Children ee Puntland Maxamed Cabdi Nadiif ayaa sheegay in ay wadaan qorshe adeeg caafimaad lagu gaarsiinayo in ka badan 200 oo kun oo qof  oo…

                          Read More

                            Wasiir Xaglo Toosiye oo Mudo kadib Markii u horaysay Socdaal ku tagay Xarunta Sool ee Laascaanood

                            Laascaanood20.October 2013 (SDN)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee JSL Dr saleebaan Ciise Axmed oo maanta socdaal shaqo ku tegay Gobolka Sool ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood, waxana uu dhagax dhigay dhisme cusub oo uu yeelan doono Mac-hadka caafimaadka ee Gobolkaasi. Wasiirku waxa uu kulan la qaatay maamulka gobolka iyo ka degmada Laascaanood isagoo kormeer…

                            Read More

                              Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador Nicholas Kay oo Socdaal ku Yimid Garowe

                              Garowe 20.October 2013 (SDN)- Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador Nicholas Kay ayaa ku tagay maantabooqasho magaalada Garowe xarunta dowladda Puntland, waxana garoonka ku soo dhoweeyay wasiiro ka tirsan dowladda. Aqalka Madaxtoyada aya wafdiga Qaramada Midoobay loo soo galbiyay, waxana halkaasi kulan kula leeyihiin Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole iyo xubno ka mida dowladda….

                              Read More

                                “Puntland waa gabar gaari ah oo qurux badan oo aad u fiican laakiin nasiib daradeedu waxa weeye maalinkasta Aalkoliiste (Khamriya cab) bey guursataa” Ayuu yiri Dr. Gaas

                                Dubai 20.October 2013 (SDN)- Waxaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyeen magaalada Dubai Jaaliyada reer Puntland ee halkaas ku dhaqan Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah musharax u taagan doorashooyinka Madaxtooyada 8 Jan, 2014 Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Xafladda oo ahayd xaflad siwayn loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay aqoon yahano siyaasiyiin,…

                                Read More

                                  Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Siilaanyo oo La Sheegay Inuu Talooyin Maangal Ah U Soo Jeediyey Aabihii, Xilli Wasiir Xirsi Safar Olole Ugu Baxayo U.K

                                  Hargeysa:20-Oct-2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X. Xasan ayaa la sheegay in uu safar olole qaadhaan ah ugu bixi doono wadanka Ingiriiska, halkaas oo uu ku maqnaan doono Muddo Bil ah.  Wasiir Xirsi ayaa la filayaa socdaalkiisu inuu la xidhiidho qaadhaanka Jidka Ceerigaabo oo uu doonayo in uu ku soo dhiirigaliyo sidii ay…

                                  Read More

                                    Ha’yadda Xidhiidhka Raashinka Somaliland iyo Su’aalaha Ku Gedaaman

                                    Hargeysa:20-Oct-2013(SDN)-tan iyo intii Guddida Dhaqaalaha ee Golaha wakiillada Somaliland farta ku fiiqeen Hay’ado sharcidarro ah oo iska qaata miisaaniyad Malaayiin dolar ah o aanay mutaysanin, maadaama aanay wax shaqo ah qaranka u qaban, ayaa waxa Hay’adahaas lacagta la iska siiyo ugu horraysa Hay’adda Xidhiidhka Raashinka. Tusaale ahaan Sagaalkii Hay’addood ee dhawaan  guddida dhaqaalaha ee Golaha…

                                    Read More