Misaaniyad Mala-Awaal ah oo aan xisaab celin laheyn + Mala -Awaal cusub oo gaadhaya 212 Miyan oo dollar oo indho sarcaad qaawan ah
Dakhliga miisaaniyadu sidiisaba waa mala-awaal cilmiyeysan (educated guess) oo ku saleysan qiyaas (projections) Taas oo ka bud-dhig u-ah siyaaasada qaranka kana turjumeysa mar-walba baahiyaha dhaqan dhaqaale ee dhabta ah ee wadanka ka jira sida baahiyaha adeegyada aas-aasiga ah ee kowaad ee nolosha bulshada sida biyaha, caafimaadka,degaanka iyo xoolaha,kor u-qaadista waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta, kor-u-soo…
