Qodobo ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee dawlada Federaalka Somalia
Muqdisho 03.Oct 2013 (SDN)- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin shirka dib u heshiisiinta ee Jubba, heshiiskii shirkadda Sahminta shidaalka ee Soma Oil and Gas Exploration, iyo warbixinta…
