“Ragga Nashuushadeynayna qaar baan Dooxa ka Talaabin,Mashruucan Dufan Naga Soo Gaadhay Ma Jiro” Wasiirka Duulista
Hargaysa 26.Sep 2013 (SDN)-Kulan caalami ah oo lagu soo bandhigayay in madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport uu dib u habayntii lagu sameeyay waafaqsanayd heerarka caalamiga ah ee madaarrada, ayaa xalay lagu qabtay xarunta Ha’yadda shaqaalaha dawladda ee Magaaladda Hargeysa. Xafladaas waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Guurtida iyo Wakiiladda, Wakiillo iyo khubaro…
