Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo soo dhoweeyay siyaasadda Xukuumadda Soomaaliya ee dhowrista Xuquuqda Aadanaha
Geneve, September, 25, 2013(SDN)-Kal-fadhigii 24-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo maanta ka dhacay magaalada Geneve – Switzerland ee sida gaarka ah diiradda loogu saaray Xuquuqda Aaadanaha Soomaaliya ayaa lagu ammaanay dadaalka xukuumadda Soomaaliya ugu jirto taaba-galinta dhowrista iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyadoo 22-kii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ka dhacayeen xad-gudubyo liddi…
