Hobolada Caanka ah ee Hibo Nuura oo Burburkii Somalia kadib Maanta Muqdisho ka soo Degtay
Muqdisho 10.Sep 2013 (SDN)- Fannaanadda caanka ah ee Hibo Maxamed Huddoon (Hibo Nuura) ayaa maanta dib ugu laabatay magaalada Muqdisho kaddib 22 sano oo ay dalka ka maqnayd. Hibo waxaa Muqdisho ku soo dhoweeyay xildhibaanno, xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, fannaaniin ka tirsan kooxda Waaberi oo ay horey uga tirsanaan jirtay iyo dadweyne badan….
