Hoggaanka Kulmiye oo Kulamo gaar gaar ah yeelanaya iyo ifafaale khilaaf oo Durba ka muuqda

    Hargeysa:4-Sep-2013-(SDN)-Xisbiga Talada Dalka Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa madaxdiisa, siiba xunbaha ugu sarreeya iyo qaar ka mid ah Golihiisa dhexe ay ayaamahan kulamo gooni goonni ah ku yeelanayeen xarunta xisbigu ku leeyahay Magaalada Hargeysa. Kulamada oo ahaa qaar albaabadu u xidhnaayeen oo aan war badan laga haynin, ayaa haddan wararka hoose ee ay helayso Qurbejoog.com,…

    Read More

      Wasiir cukuse oo shir al-baabadu u xidhan yihiin la yeeshay qaar ka mid ah shaqaalaha TV-ga Qaranka, Farriimo Guul-wade-nimo ahna Dhegaha ugu shubay

      Hargeysa:4-Sep-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda war-faafinta  Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse) ayaa maalintii shalay  shir al-baabadu u xidhan yihiin la yeeshay qaar ka mid ah shaqaalaha Tv-ga qaranka. Kulankan oo loogu magac daray  dardar gelinta hawlaha Telefishanka qaranka, ayaa waxa wasiirka ku wehelinayey badiba shaqaalaha lagu tuhmo inay u faro dhuudhuuban yihiin ama u dhago nugul…

      Read More

        Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Suldaan Siciid Sul. Cabdisalaan iyo Nuxurka waxyaabihii ay ka wada Hadleen

        Hargeysa:4-Sep-2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa Habeen Hore qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti ballaadhan oo uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Bariga Gobolka Sanaag Sul. Siciid Sul. Cabdisalaan. Waftigan uu Suldaanku Hoggaaminayo, ayaa ay ka mid ahaayeen Salaaddiin,cuqaal, siyaasiyiin iyo wax-garad ka soo jeeda Beesha Bariga Gobolka Sanaag, iyadoo aanu jirin wax war rasmi…

        Read More

          Marwada Madaxweynaha Somaliland oo dhagax dhigtay laba Dugsi oo laga Hirgalinayo deegaanka ay dhalasho ahaan ka soo jeedo

          Berbera 04.Sep 2013 (SDN) Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde ayaa deegaanka Laasa-dacawo ee tuulada Daray-godle ee Gobolka Saaxil,ku dhagax dhigtay Dugsi boodhin ah iyo Mid kale oo laga hirgalinayo degmada Mandheera kaas oo ay abaabulayaan Guddidii Batalaale ee ka soo horjeeday Dan iyo Duco. Marwada waxa Safarkeeda ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada…

          Read More

            Madaxweyne Xigeenka Punt land oo dhagax dhigay Dhismaha Dugsiga Sare ee Degmada Taleex

            Taleex 04.Sep 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamed Cali Shire oo weli ku sugan degmada Taleex ayaa dhagax dhigay dugsi sare oo dhawaan dawladda Puntland degmadaasi ka hirgelinayso. Xafladda dhagax dhiga ayaa waxaa ka qayb galay dhammaan waftiga iskugu jira Baarlamsanka iyo xukuumadda ee u hogaaminayo madaxweyne ku xigeenku,maamulka degmada Taleex iyo maamulka…

            Read More

              Amanda Lindhout oo Shan sanadood ka dib wax ka Qortay Tacadiyo Kufsi ku jiro oo Muqdisho loogu geystay

              Edmonton Sept 04,2013(SDN)-Amanda Lindhout oo ah Gabadh suxuufiyad aheyd oo Muqdisho lagu afduubtay shan sanadood ka hor ayaa buug ay haatan daabacday waxa ay ku soo bandhigtay Tacadiyadii loo geystay intii ay ku jirtay gacanta meeliishaadkii afduubtay. Amanda oo Canada u dhalatay ayaa buugeeda ku xustay in marar faro badan nafteedu khatar gashay isla markaana…

              Read More

                Nin Soomaali ah iyo Wiil uu dhalay oo Maxkamad Mareykanka ku taala ay ku heshay denbiyo la xiriira ka ganacsiga maandooriye

                Louisville Sept 04,2013(SDN)-Nin Soomaali ah iyo wiil uu dhalay ayay maxkamadi ku heshay denbiyo ay kala ah in ay dheceen barnaamij dadka saboolka ah lagy gacan qabta,iibiyeen maandooriyaha qaadka iyo dawooyin ay tahy in ogolaansho dhakhtar aad heysato. Dawlada Mareykanka ayaa ku soo oogtay Cabdala Xaaji Sufi iyo wiil uu dhalay Maxamed in ay ka…

                Read More

                  Dawlada Kenya oo u qoondaysay lacag malaayin ah sidii ay ugu qancin lahayd dawlada UK inaan Qaadka Miirooga laga joojin dalkooda

                  Nairobi Sept 04,2013(SDN)-Waxa jiray olale xoogan oo ka bilaabamay dalka Kenya  khaasatan gobolka uu qaadku ka baxa oo loo yaqaan Miiro County, waxanay  ka tashanayeen sidii ay uga hortegi lahaayeen go’anka ay qaadatay  Wasiirada Daakhiliga ee UK kaaso ku saabsana in laga joojiyo dalkan  gebi ahaan Qaadka, sida aanu ka soo xiganay wargeyska Standard ee Kenya….

                  Read More

                    Somali president ‘ambushed’

                    MOGADISHU: Somalia’s Al-Qaeda linked Shebab insurgents ambushed President Hassan Sheikh Mohamud Tuesday, the militants said, claiming to have destroyed vehicles with rocket-propelled grenades. “We ambushed a convoy that was escorting the self-appointed Somali president,” Shebab spokesman Abdulaziz Abu Musab told AFP. The ambush took place near the small settlement of Buffow, close to the port…

                    Read More

                      “Dadka ka imaanaya dibadaha dalka waa inaysan tegin Muqdisho waayo ma jirto nabad la isku haleyn karo” Prof Cali Maxamed Geedi

                      Nairobi 03.Sep 2013 (SDN)- Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa dhaliilay shirka ka furmay Muqdisho, isagoo dadka ka qaybgalaya ku tilmaamay kuwo isku fikir ah oo taageersan Dowlada. Shirka ayuu sheegay inaysan wax natiijo ah kasoo baxayn maadaama aan lagu casuumin dadkii ay talada dalku ka go’day, wuxuuna dadka shirka ka…

                      Read More

                        Muqdisho iyo Dab Khasaare hantiyeed gaystay oo ka kacay Degmada Wada Jir

                        Muqdisho 03.Sep 2013 (SDN)- Kooxda dab damiska ee gobolka Banaadir, ciidamada booliska, nabad-sugidda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dab  kharsaare hantiyeed geystay oo maanta ka kacay agagaarka safaaradii hore ee Mareykanka degmada Wadajir. Dabka ayaa burburiyay labo xarumood oo lagu keydin jiray shidaalka, goob lagu sameyn jiray bulukeetiga, dukaamo…

                        Read More

                          Ra’isal Wasaare Haile Mariam Desalegn oo Qasriga Madaxtooyada Itoobiya ku qaabilay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land

                          Addis Ababa 03.Sep 2013 (SDN)  Rai’sul Wasaaraha dalka Ethiopia Dr. Haile Mariam Desalegn ayaa maanta [Sept 3, 2013] ku qaabilay Qasriga Madaxtooyadda dalkaasi Madaxweynaha Dowladda   Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdiga Puntland oo uu   ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame.   Kulankani waxaa looga wada hadlay horumarinta amniga iyo dowladnimada  …

                          Read More

                            Safiirka Soomaliya u Fadhiyi Doona wadankan Britain oo Hawshisii si rasmiya U bilaabi donaa iyo qurbejoog oo kulankii u horeyey la qadatay

                            london 03Sep13(SDN) Safiirka Soomaliya u fadhiyi doona wadankan uk  Dr. C/llaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa dhawaan bilaabi doona shaqadiisii safiir nimo isaga oo dhawan soo gadhay wadankan Uk , shabakada wararka ee qurbejoog.com oo goob joog ka ahayd huteelka uu ka dagan yahay safiirku isaga oo u waramaya saxafada qayb ka mida ayaa waxa uu sheegay…

                            Read More

                              “Kumaan Amrin Warbaahinta Gobolka Gebilay inay Wararkooda inta aanay baahin isoo Mariyaan” Gudoomiyaha Gebilay {DHAGAYSO}

                              Hargaysa 03.Sep 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Gobolka Gebiley Md Yuusuf Ibraahin  Geeddi ayaa  maanta  sheegay inay hadda gacanta ku hayaan dib u furistii gegida diyaaradaha ee Magaalada kalabaydh, qalabkii lagaga shaqayn lahaana uu u soo socdo. Gudoomiyaha gobolka Gebiley Yuusuf Ibraahin Geedi  waxa kale oo uu beeniyey inuu ku amray warbaahinta gobolka ka hawlgasha inay soo…

                              Read More

                                “Ma Jiro Wax Weerar ah oo Kooxda Alshabaab ku qaaday Weftiga Madaxweynaha Somalia” Afhayeenka Madaxweynaha

                                 Marka 03.Sep 2013 (SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan, Wasiiradda, Cadaaladda , Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Taliyayaasha Ciidamadda Xooga iyo Nabad Sugidda ayaa maanta gaaray magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose. Madaxweynaha oo saaka safar dhulka kaga baxay magaaladda Muqdisho ayaa ku hakadey degaanka No 50 halkaasi uu…

                                Read More

                                  Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Oo Qado-sharaf u sameeyay Arday wax ka barta Malaysia

                                  Hargaysa 03.Sep 2013 (SDN)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa maanta Munaasibad qado sharaf ah u samaayey Gudoomiyaha Ardayda reer Somaliland ee wax ka barata wadanka Maleesiya iyo Wiil dhalinyaro ah oo Baalashle nimo kaga shaqaynsta Jaamacada Camuud ee Booramaha hadana leh Laba baabuur. Qado sharaftani oo maanta…

                                  Read More