Home » 8:35 pm Entries posted on “June, 2016”

Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Cusub ee Jarmalku u Soo Magacaabay Somaliland iyo Somalia iyo Arrimihii lagaga wada hadlay DAAWO

Hargaysa 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Wafti Balaadhan Oo Ay Hogaaminayso Safiir Cusub Oo Dawladda Jarmalku U soo Magacawday Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Fadhigeedu YahayaWadanka Kenya.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Brexit, what lies ahead !!!!!

A referendum was held at the 23th of June and the reslut has shocked people within the united kingdom but also  across the world, british and  EU politicians did not see this coming. The majority of people where confident that the british citizens would vote for Britain to remain in the European Union, but the […]

Posted in Features | Read More »

SAWIRRO: Qarax dad badan ay ku dhinteen oo saaka ka dhacay Duleedka Muqdisho

Muqdisho,30,6,2016 (QJ/SDN) – Waxaa saaka qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay ay la kacday gaadhi BL ah ay saarnaayeen dad shacab ah , qaraxan ayaana ka dhacay Deegaanka Lafoole ee kuyaala Duleedka magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay 12-qof oo kamid ahaa rakaabkii gaadhigaasi saarnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sadex […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

SHEEKH BASHIIR: “Sharcigan hadda kuma qorna [in raggu is guursan karaan] balse heshiisyada la saxeexi rabo ayay ku qorantahay”

Muqdisho,30,6,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Bashiir Salaad oo ka mid ah hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in sharciga siyaasadda Jinsiga ee Soomaaliya aanay ku qorneen in raggu is guursadaan, balse heshiisyada ku hoos jira sharcigan ee dowladda Somalia doonayso in ay saxeexdo ayaa uu sheegay in ay ku jirto arrintaasi. Sheekh Bashiir Salaad oo ka mid […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

U Diyaar Garowga Ciida oo Laga Dareemayo Nairobi

Nairobi,30,6,2016 (QJ/SDN) – Dadka Muslimiinta ah ee reer Nairobi ayaa haatan isu diyaarinaaya maalinta ciida ah maadaama maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan lagu jiro. Soomaalida kunool xaafada Islii ee Nairobi ayaa waxay soo camireen suuqyada Islii gaar ahaan suuqa Garissa Lodge halkaas oo ay aad uga dukaamaysanayaan. Harqaamada ayaa la’ si ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Obama oo ka Digay Dhaqaale Xumo Caalamka oo Dhan ah

Washington,30,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Hussein Obama ayaa sheegay inuu jiro walaac la xiriira koboca wakhtiga dheer ee dhaqaalaha caalamka. Arintaan ayuu sheegay inay daba socoto ka bixitaankii dhawaan dalka Ingiriisku uu u codeeyay inuu ka baxayo midowga Yurub (EU). Wuxuu Obama sheegay in maalgashiga iyo fursadaha maalgashiga daafaha caalamka oo dhan ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

AFRICOM: Al-shabaab Waxay Qorshaynaysaa inay Weerarto Ciidamadeena ku Sugan Soomaaliya

Muqdisho,30,6,2016 (QJ/SDN) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugn ayaa baahiyay in Al-shabaab ay qorsheynayso inay weerarto ciidanka Mareykanka ah ku sugan Soomaaliya, iyagoo Taas ka dhigaya Aargudasho ka dhalatay Duqeymaha ay Diyaaradaha Mareykanku ku hayaan Goobaha ay ka taliso Al-shabaab. Warbixin uu talisku soo saaray ayaa lagu xusay in duqeymaha Mareykanku uu ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo si Qaawan Madal loo dhamaa u Aflagaadeeyay Gudoomiye Cirro ,Nuxurka Weedhihii dhex maray Iyo Amakagii Madaxwayne Siilaanyo

Hargaysa 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):- Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Warabe ayaa aflagaadeeyay Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddomiyaha Xisbiga Waddani Md:Cabdirxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Guddomiye Faysal Cali Warabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro oo labadooduba doraad ka wada qayb galay kulan uu Madaxwayne Siilaanyo Isugu Yeedhay Saddexda Xisbi Qaran iyo Shirguddonka Golaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Somaliland: Siilaanyo Oo Lagu Marti-qaaday Shir Caalami ah oo Lagu Qabanayo Malaysia

Hargaysa 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):-  Saraakiisha sar-sare ee Hay’adda samo-falka caalamiga ah ee  Al-khair Foundation, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  soo gaadh siiyay marti-qaadka shir caalamiya oo Bisha October ee sannadkan ay dalka Malaysia ku yeelanayaan dunidda Islaamku. Waxaanay  sheegeen inay Somaliland dhisatay dawad istaahisha in caalamku aqoonsaddo.   […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Fal Celinta Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ee Murashixiinta Ku Socda Kuraasta ay Mudada dheer ku Fadhiyeen,Gar Mise Gardaro? DAAWO

Hargaysa 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):-  Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ayaa Jawaab ka bixiyey Baaq ay Todobaadkan Magaalada Hargaysa ka soo Saareen Murashixiinta raba inay u Tartamaan Doorashada Golaha Wakiiladda oo Walaac ka Muujiyey Dib u dhac ku yimaada qabsoomida Doorashada.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »