Home » 4:25 am Entries posted on “October, 2016”

Siyaasiga C/qaadir Obsiiye Oo Musharraxiinta Xisbiyada Ku Marti-qaadaya Kulan Ay Bulshada Ugu Soo Bandhigaan Barnaamijyadooda

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiga Cabdiqaadir Cali Obsiiye, ayaa Musharraxiinta Madaxweyne ee Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ugu baaqay inay kala soo qayb-galaan kulan uu isagu Marti-qaadkiisa leeyahay, kaasi oo uu sheegay inuu doonayo in Musharraxiintu ay Bulshada ugu soo bandhigaan Barnaamijyadooda Siyaasadeed iyo Waxqabad. Cabdiqaadir Obsiiye oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Mid Ka Mid Ah Ragga Ugu Taajirsan Dunida Oo Ballanqaaday In Aanu Badi Maalkiisa Uga Tagi Doonin Caruurtiisa, Sababtu Maxay Tahay?

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Ninka lagu magacaabo Bill Gates oo ah mulkiilaha shirkadda samaysa softweerka kumbiyuutaradu ku shaqeeyaan ee Microsoft ayaa dhawaan sheegay war ay aad ula yaabaan dhamaan shacbiweynaha dunidan ku nooli kaasi oo ahaa in aanu inta badan maalkiisa uga tagi doonin caruurtiisa marka uu geeriyoodo, ninkan da’diisu tahay 69 jirka ayaa waraysi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Beesha caalamka oo Meel adag iska Taagtay dib u dhaca ku yimid codeynta aqalka hoose ee baarlamanka Somalia

Muqdisho 31.October 2016 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan eedeymaha joogtada ah ee ku saabsan musuqmaasuqa lagu hayo geedi-socodka doorasho ee Soomaaliya iyo warbixinnada ku saabsan cabsi gelin soo noqnoqotay oo ay la kulmaan musharaxiinta quudarraynaya ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Xubinta shirwaynaha Xisbigu u doorto Hogaanka sare ee Xisbiga UCID uma banaana in ay u tartanto Musharaxnimada jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenimada”.Maxamaed Dubad Gacayte

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Anagoo ka duulayna Xeerka UCID iyo Xeer Lam.14; Waxaanu Cadaynaynaa Inaanu Faysal Gudoomiye Ahayn, Lumiyayna Xilkii Gudoomiyenimo Kadib Markii uu Ku Dhawaaqay Musharaxnimo. Sida Ku Cad qodobadan:- QODOBKA 27 AAD, Faqradiisa (3 & 4) EE XEERKA UCID. Wuxuu dhigayaa. Xubinta shirwaynaha Xisbigu u doorto Hogaanka sare ee Xisbiga uma banaana in […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo dhawaan la xidhayo iyo Sababta ka dambeysa oo la sheegay

Muqdisho 31.October 2016 (SDN/QJ):- Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la xirayo qaar kamid ah Wadooyinka muhiimka ah ee kuyaala Magaalada Muqdisho. Taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in maalmaha soo socda la xiri doono Wadooyin Muhiim ah oo kuyaala magaalada Muqdisho si loo xaqiijiyo amaanka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

WATCH Somalia: The Forgotten Story: The story of Somalia’s decline from stability to chaos and the problems facing its people at home and abroad

Hargaysa 30.October 2016 (SDN/QJ):- The story of Somalia’s decline from stability to chaos and the problems facing its people at home and abroad. Somalia’s modern history is a tale of independence, prosperity and democracy in the 1960s, military dictatorship in the 1970s and 1980s – followed by a desperate decline into civil war and chaos […]

Posted in news in English | Read More »

Kulan Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya iyo arrimihii laga wada hadlay DAAWO

Hargaysa 30.October 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayay ayaa Kulan la Yeeshay Raysal Wasaaraha Itoobiya .

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Cod dheer Ku Beeniyey inay Luntay Xogtii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, & Shakhsiyaad ay Sharciga la Tiigsan doonaan DAAWO

Hargaysa 30.October 2016 (SDN/QJ):- Gudida doorashooyinka qaranka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda ayaa cadeeyey in ay doorashadu qabsoomi doonto xiligii ay hore iskula qaateen asxaabta qaranka, xukuumada iyo Komiishanku,Waxaa kale oo ay ka Hadleen Warar Sheegaya in Laba Gacmood dhexdood ay ka baxday Xogta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shirqoolkii Shirkadda Shidaalka ee Conoco iyo Wixii Kala Qabsaday iyaga iyo Siyaad Barre DAAWO

Muqdisho 30.October 2016 (SDN/QJ):- Dowladii kacaanka ee dalka Soomaaliya ka talin jirtay waxaa ay heshiisyo muuqda iyo kuwa qarsoodi ah la gashay shirkaddo soo saara shidaalka iyo gaas-ka, inkastoo heshiisyadaasi dhamaantood aysan fullin gabi ahaanba, midaasi oo caqabad ku noqotay burburkii dowladii dhexe ee dalka oo ay majaraha u siibeyn jab’hadihii dalka afarta dhinac kasoo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muqdisho Fadeexad Hor Leh:- Maxaa Baasaboorka Soomaaliya Loogu qoray Kelmadda ‘Gender’? DAAWO

Muqdisho 30.October 2016 (SDN/QJ):- Fadeexad ayaa lasoo deristay baasaboorka Dalka Soomaaliya kaasi oo lagu arkay ereyo Af-ingiriisi ah oo loo isticmaalay Passportka, kuwaasi oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba meel ka dhac ku ah soomaalida iyo diinta Islaamka. Passportka Dalka Soomaaliya ayaa waxa ku qoran kelmadda ‘GENDER’ oo la sheegay in looga jeedo Labeeb ama […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »