Home » 11:56 am Entries posted on “December, 2016”

Shaqaale Weynaha Dawlada Somaliland oo Beri Shaqooyinkooda Fasax ka Noqon Doona Curashada Sannadka Cusub ee 2017 Awgii DAAWO

Hargaysa 31. December 2016 (SDN/QJ):-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa Maanta Sheegtay In shaqaalaha dawladu ay Guud ahaanba Shaqooyinka ay Qaranka u Hayaan Fasax ka noqon doonaan Maalinta Beri ah oo uu Kowsan doono Sannadka Cusub ee Taariikhda Miilaadiga ee 2017.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Riig Biyoodkii Xukuumaddu ka Hirgalisay Deegaanka Coodanle oo Shaqadii Joojiyey Iyo Xaalada Abaarta oo ka sii dartay DAAWO

Coodanle 31. December 2016 (SDN/QJ):-Riig Biyoodkii Ay Xukumada Somaliland Uga Qoday Deegaanka Coodanle Dadka Kasoo Barakacay Abaarta Oo Guud Ahaaba Shaqadii Joojiyey Iyadoy Sii Xumaanayso Xaalada Biyo La’aaned Ee Deegaankaasi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Axmed Muumin Seed khiyaamo ayaa ku dhacday, balse khiyaamado kagamay dhicin Xisbiga Waddani, ee waa la garanaya halkay kaga dhacday” Prof Geedoole

Hargaysa 31. December 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waxbarashada Prof: Faarax Cilmi Geedoole  oo hadda ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,ahna Siyaasi ka soo jeeda Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama, ayaa ka hadlay shir maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Hargeya ku dhexmaray hogaanka sare ee Xisbiga Waddani iyo Madax-dhaqameedka Beesha Habar Caafan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal Ku Saabsan Curashada Sannadka Cusub ee 2017 u Diray Shacabka Somaliland

Hargaysa 31. December 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee 2017-ka u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedaba, Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed,   Madaxweynuhu waxa uu si gaara Hambalyo iyo Salaan ugu dirayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Iyo Cirro: Ha Ku Ololaynina Masiirka Ummada Iyo Nabadgalyada Qaranka Balse La Yimaada Aragtiyo Siyaasadeed oo La Idinka Iibsado

Hargaysa 31. December 2016 (SDN/QJ):-Maalmahan u dambeeyay waxa ay labada murashax ee KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, hawada isu marinayeen hadalo xanaf leh oo uu nuxurkoodu ku soo ururayo in midba midka kale ku dhufto waran siyaasadeed si uu taageeradiisa u wiiqo. Laakiin, labadooduba, waxa hadaladan ay jeediyeen u keeneen […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudida Doorashooyinka oo Kulan Muhiim ah Isugu Yeedhay Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada qaranka & Arrimaha laga Wada Hadlayo

Hargaysa 31. December 2016 (SDN/QJ):- Guddiga doorashooyinka qaranka, ayaa kulan toddobaadkan isugu yeedhaya saddexda guddoomiye xisbi qaran oo sidoo kale ah saddexda murashax ee KULMIYE, Waddani iyo UCID. Guddiga doorashooyinka, ayaa inkastoo aanay soo saarin war rasmi ah, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inay xisbiyada gaadhsiiyeen codsi ay saddexda guddoomiye kaga dalbanayaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Umaanu iman Taleex in aanu qabsano, iyo in aanu cid cabudhino. Waxaanu u nimid in aanu walaaladayo kala celino isu dabaalno oo isu ladqabayno” Wasiirka Madaxtooyada JSL+SAWIRO

Taleex 31. December 2016 (SDN/QJ):- Weftigii Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE ee ay hogaaminayeen Gudoomiyaha, ahna Murashaxa Xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay gaadhay Degmada Taleex Gobolka Xasimo. Xubnaha weftiga ayaa soo dhawayn balaadhan halkaasi kala kulmay, kulana la yeeshay Madaxda dhaqanka Gobolkaasi, weftiga ayaa xalay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Weriye Cabdisalaan Hereri oo Warbixin Xiiso leh ka sameeyey Nolosha Xeebta Bulla-xaar oo Muddo Dibbood ku ahaayeen DAAWO

Hargaysa 31. December 2016 (SDN/QJ):- Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Cabdisalaan Ibraahim Hereri, ayaa Barnaamij xiiso leh ka sameeyey Xeebta Bulla-xaar ee Somaliland oo ku taalla Waqooyiga Hargeysa iyo qaabka ay u noolaayeen muddo habeenno iyo maalmo ah oo ay isaga iyo Asxaab kale oo ay wada socdeen ku sugnaayeen Xeebaha Deegaanka Qadiimiga ah ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gabadh Somaliyeed oo Soo Muslimisay Haweenay Kiristaan ahayd oo Heesaheeda aad Loola Jeclaa Haatanse Muslim Noqotay Cajiib DAAWO

Oslo 31. December 2016 (SDN/QJ):- Gabadh soomaaliyeed oo da, ahaan aan weyneyn ayaa ashahaadada u qabatay soona muslimisay haweenay heysatay diinta masiiga amase Kiristaanka. Waxaanay inantan soomaaliyeed dagan tahay , Yurubta America, waxaanay u nasteexaysaa oo ay mar walba isku daydaa in ay soo muslimiso dadka heysta diinta masiixiga

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

”Waxaynu Xisbiyada u Samaysay inaynu Kaga Maarano in Reer Waliba Dhiniciisa Goosto”Sheekh Aadan Siiro

Hargaysa 31. December 2016 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Somaliland kula taliyey inay Ummadda ka daayaan Khilaafaadka, si looga baaqsado Mushkilado amni daro oo Dalku waajaho. Sheekha oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Khilaafaadka Siyaasadeed ee Xisbiyada qaarkood u dhexeeya, ayaa ka digay in […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »