London, April, 06, 2013 (SDN)- Dawladda Britain ayaa ku celisay khatar ay sheegtay inay ka warqabto oo ku wajahan muwaadiniinta dalalka reer Galbeedka ee ku sugan gudaha Somaliland.
Sida uu war-murtiyeed uu Sabtida maanta soosaaray ku sheegay Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka dalka Britain, waxa muwaadiniinta dalkaas ee ku sugan Soomaaliya lagu adkeeyay inay ka baxaan qarankaa Afrikaanka ah, taasoo ay sabab u tahay cabsida ‘weeraro Argagixiso oo si dhakhso ah uga dhacaya.’
“Xafiiska Khaarajiga iyo Barwaaqo-sooranku (FCO) wuxuu rumaysan yahay in argagixisadu ku jiraan marxaladihii u dambeeyay ee qorshaynta weeraro ka dhaca magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, wuxuuna ka digay dhamaan socdaalo lagu tego dhamaan qaybaha dalka [Somalia],” ayuu yidhi war-murtiyeedku.
“Wasaaraddu waxay ku talisay in dhamaan masaafiriintu ay ka baxaan dalka, waxayna intaa ku dartay inay ka warhayso khatar gaar ah oo ku wajahan dadka Reer-galbeedka ah ee ku sugan ismaamul-gobolleedka Somaliland,” ayuu yidhi qoraalku.
Afhayeen u hadlay FCO, wuxuu yidhi; “Waxaanu wax-ka-bedel ku samanaynay taladayadii socdaalka Somaliya.”
27-kii bishii January ee sanadkan, Britain waxay digniin u jeedisay dadkeeda ku sugan Somaliland, kadib markii siday sheegtay ay ka warheshay khatar amni oo ay sheegtay inay ku wajahan tahay reer-galbeedka ku sugnaa Somaliland. Saddex maalmood kadib, waxa dhawaaq kaas la mid ah sii daysay Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Nairobi.
Laakiin, dabayaaqadii bishii February, dawladda Somaliland waxay sheegtay inay xididada u siibtay khatarta ay ka digeen dawladdaha waawayn ee Britain iyo USA.
Hase yeeshee, Britain wax-ka-bedel ay warbixintaa hore ku samaysay Jimcihii shalay ee 5-April, waxay ku sheegtay in weli khatari ku wajahan tahay dadka Reer-Galbeedka ah ee ku sugan Somaliland [Akhri wax-ka-bedelka cusub ee UK https://www.gov.uk/foreign-travel-advice/somalia]. Waxa kale oo ay sheegtay in weli ay Somalia oo ay Somaliland ku jirto ka sii jiraan halis sare oo ka imanaysa argagixisada, taasoo uu afduubna ku jiro.
“Ma jiro wakiil Britain u jooga dhamaan qaybaha Somalia, FCO-na waxay sheegtay in aanay awoodin inay caawimo qunsuliyadeed gaadhsiiso halkaas,” ayuu yidhi war-murtiyeedka UK.
Waxa xusid mudan, in dawladda Somaliland iyo shacabkeeduba jawaabo kulul oo dibad-baxyo weheliyaan kaga jawaabtay dhawaaqa hore ee UK, taasina waxay dhalisay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud iyo wefti uu hoggaaminayay oo Wasiirada Khaarajiga iyo Qorshayntu ku jiraan ay socdaal ku tageen London, isla markaana ay kulan la yeesheen masuuliyiin ka tirsan dawladda Britain oo uu ku jiro Wasiirka Khaarajiga Mr. William Hague. Kulankaa kadib, wasiirka Khaarajiga Somaliland Mr. Maxamed Cabdullaahi Cumar wuxuu waraysi uu bixiyay ku sheegay inay isfaham ka gaadheen arrimaha la xidhiidhay dhawaaqa khatarta ay ee ay Britain tilmaantay, wuxuuna ku dooday in Wasaaradda Khaarajiga UK ay waqti dhow isbedel ku samayn doonto tallooyinka dhinaca socdaalka Somaliland ee ay faafisay.
Laakiin, xukuumadda Somaliland ilaa hadda wax hadal ah kamay bixinin warbixinta ay wax-ka-bedelka ku samaysay ee FCO Jimcihii shalay daabacday, taasoo ay weli ku jirto in ‘Xafiiska Khaarajiga iyo Barwaaqo-sooranka UK ogyahay khatar ku wajahan dadka Reer Galbeedka ah eek u sugan gudaha Somaliland.’ [The FCO is aware of a specific threat to Westerners in Somaliland – https://www.gov.uk/foreign-travel-advice/somalia].
Waxa intaa dheer, in dawladda Britain ay boggeeda internet-ka ee ay warbixintan ku faafisay ku lifaaqday sawir-gacmeed [map] ay ku muujisay dhamaan intii la isku odhan jiray Somalia, si ay u muujiso meelaha ay khatartu ka jirto ee ay muwaadiniinta dalkeeda uga digayso.
Dhinaca kale, dawladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay khatarta ay dawladda Britain sheegayso iyo weerarada ka imanaya argagixisada ee lala maagan yahay Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Somalia Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi oo u waramay VOA, wuxuu nasiib-darro ku tilmaamay warbixintaas, maadaama sida uu ku dooday uu muddooyinkan amniga caasimadda Muqdisho ka soo raynayay sidii hore. Laakiin, wasiir Ciil-mooge, wuxuu qiray in weli weerarada qaraxyada ee Al-Shabaab ka imanayaa ay ka sii jiraan magaalada Muqdisho, kuwaasina ay yihiin wax ay dawladdiisu dagaal kala horjeedo oo aanay qarsoonayn, wuxuuna xusay in haatan kooxdaasi ay kala daadsan tahay oo ay meelo badana dawladdu ka qabsatay.
Qurbejoog.com, London
