Hargaysa 6 April , 2013 (SDN). Waxaa laga Joogaa Mudo Laba iyo Sodon Sanno ka hor markii magaalada London ee Wadanka Ingiriiska lagaga dhawaaqay Xarakadii Hubaysnayd ee Xaq u dirirka SNM oo ku beegnayd 6 April Sannadkii 1981kii,taas oo Wakhti yar Gudihiina Fadhiisimo Ciidan ka samaysatay Gudaha Itoobiya Gaar ahaan Dhinaca Xuduuda Somaliland.
Waa Maalin Shacabka Somaliland ugu astaysan dhacdooyin kala duwan oo Xambaarsan Guulo iyo Guul darooyin,balse ay mar walba Libintu xigtay intii ehelka u ahayd Taageerida Halgankaas waa Maalin ay Tuseen Taliskii Siyaad bare Niyad adag iyo sida ay Ummada Geyigan ku beerani uga soo hor jeedaan Nooc kasta oo Tacadi,Waa Maalintii dhashay Dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland, Waana Maalin iyo Maalmo ay Bulshadeena ka dhex baxeen Shuhado dhiigoodii qaaliga ahaa u hibeeyay inay Heeryadii Gumaysi Umaadooda ka dul qaadaan iyagoo qasdigoodu ahaa inay Xoriyadii ay Waayeen ugu hiiliyaan Ubadkii ay dhaleen oo maanta gaashaan qaad ah.
Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo mar loogu yeedhi jiray Midhihii ka dhashay Ururkii SNM,ayaa ku fashilatay inay si Mug leh u maamuusto ayaamaha barakaysan ee Shacabkan sida gaarka ugu astaysan,iyadoo Mudo ku Siman Sadex Sanno oo Xukuumadani hogaaminta qaranka haysay marnaba ma ay dhicin in Munaasibadaha Qaran sida ku dhawaaqidii SNM, Dagaaladii Guda galka Magaalooyinka iyo dharaare kale oo Maanka Ummadan ku xardhan inay ku qaabisho sifo muujinaya Sida ay u Weynaynayso Maalintan,Miyaynaan Xasuusnayn.
“Dharaara ina soo maray Shantoo dhaban la saariyo ku Ekayd Dhibaatadu,Inta Dhagar la Gaystiyo,Waxa dhacay Ma Maqasheen,Dharaara ina soo maray labadii is dhugataba Mid kaloo dhex taagani meeshu Oday waa dhir nabadee ka dhaqaaqa Odhan Jiray,Inta badana waa dhaxal Taariikhdu Dhigaysee Dharaaraa ina soo maray Ma dhisnaa la odhan Jiray Dawladani mid dhaantiyo dhaqdhaqaaq la jecel yahay”. Waa ereyadii A.H.N Mujaahid Axmed Jiinoos iyo Heestii Dhayalsi 1984.
Xuskii maanta ee 6 April ayaa sidoo kale ahaa Mid ay ka baaqsadeen intii loo tirinayay inay ka soo qayb galaan Gaar ahaan Madaxda Sare ee Wadanka,Geesta kalena halkii ay Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ku qaban jirtay Beerta Xoriyada waxa laga dhigay mid ka Meeqaam hoosaysa waxaana Maanta iyo tan tii ka horaysayba lagu qabtay hoolka hay’ada Shaqaalaha ee Caasimada Hargaysa,Mas’uul loo tiriyo dawlada waxaa ugu weynaa Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin .
Si kastaba ha ahaatee halkan ka dhagayso Weedhihii iyo Khudbadihii madashii Maanta ee Xuska 31 Guuradii Aasaaska Ururkii SNM,ee Magaalada Hargaysa oo dhamaystiran ee Dhagaysi Haboon.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/snm(1).mp3″]
Hargaysa SDN .
qurbejoog.com
