Uncategorized

Dagaal gacanta la iskula tegay oo laba xildhibaan ku dhex maray Golaha wakiillada Somaliland

Hargeysa:18-Sep-2013(SDN)-Xeerka waddooyinka oo ayaamahanba dooddiisu ka socotayxarunta Golaha wakiilladda Somaliland, ayaa sababay inay xildhibaanadu gacanta iskula tagaan.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi buubaa iyo Xildhibaan Axmed  Nuur Kijaandhe, ayaa dagaal ba’an oo aan waxba la iskula hadhini dhex maray, ayadoon la sheegin wax khasaare culus ah oo labada xildhibaan dhex maray.

Dagaalka ayaa ka bilaabay Ka dib markii uu xildhibaan Kijandhe  hadalka iyo doodda ka dhex galay Xildhibaan Bubaa oo hadal dheer oo uu doodda kaga soo horjeedo jeedinayey, waxana wada hadal kooban ka dib  bilaabmay Dagaal iyo feedh badan oo la isweydaarsaday.

Shirguddoonka Golaha ayaan isagu wax hadal iyo ficil midna aan ka geysan dagaalka ka socda xarunta uu maamulo, waxana markii  dambe soo kacay  kala qabtay xildhibaanada kale ee Golaha.

Xeerkan Golaha horyaalla oo ah mid xaasaasiya oo Golaha ka dhex abuuray muran iyo buuq badan, waxana wali socota doodda iyo kala qaybsanaanta kala dhex taalla.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com