Oodweyne 18.Sep 2013 (SDN)- Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Maalmahaba Safar Shaqo ku Marayay Gobolada bari ee dalka ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Gobolka Daad Madheedh ee Oodweyne .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu xadhiga ka Jaray Mashaariic door ah oo laga hirgaliyay Magaalada Oodweyne waxaana halkaasi uu kula hadlay dadweynaha ku dhaqan magaaladaas oo uu uga mahadceliyay sida wadaniyada leh ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Oodweyne .
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirada Madaxtooyada,Warfaafinta,Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Mas’uuliyiin kale.
Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Khudbadihii kala duwanaa ee Oodweyne
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/OodweyneKormeer(1).mp3″]
Oodweyne SDN.
