Kampala Sept 19,2013(SDN)-Dawlada Ugaandha ayaa taliyihii ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee Muqdisho ku sugnaa Kampala ku soo celisay si loo baaro eedeymo musuqmaasuq.
Taliyaha iyo ilaa dhawr iyo labaatan kale oo ka mida ciidamada AMISOM ayaa lagu eedeeyay in ay dheceen Raashin iyo Shidaal ay doonayeen in ay suuq madoow ku iibiyaan.
Sidaana waxa saxaafada u sheegay afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Ankunda.
Ciidamadan ayaa hadii ay dhab noqoto in ay musuqaan ku kaceen waxa ay cadeeyn u noqon doontaa tuhun horeba loo soo bandhigay.
Brigadier Michael Ondoga iyo 23 kale ayaa haatan Kampala maxkamada ku sugaya,waxaana laga qaaday gebi ahaanba docomintiyadoodii inta maxkamadu socoto.
Ma cada mudada ay ciidamadu wadeen xatooyada iyo cadadka lacagaha ay ka heleen iibinta raashinka iyo shidaalka ay xadeen.
Midawga Yurub oo lacago aad u badan ku bixiya in ciidamada AMISOM Soomaaliya joogaan ayaa sheegay in ay eegayaan dacwadan.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in raashin ay helijireen uun mar quraata maalin walba iyada oo raashinkoodiina la iib geeyn jiray.
Ma aha markii u horeysay ee ciidamada Ugaandha ay ku kacaan musuqmaasuq,waxa hore loo shaaciyay in madaxda ciidamadu ay lunsadaaan mushaharooyinka askarta.
SDN-Kampala
contact@somalidiasporanews.com
