Amesterdam Sept 19,2013(SDN)-Soomaalida ku nool dalka Holland ee doonaya megengelyada ayaa ka cawday in dawlada Holland ay si khasaba dalkoodii ugu celineyso.
“Waxa si khasab ah la iigu soo mustaafuriyay magaalada Muqdisho,mana garanayo sababta”sidaa waxa yiri Mahad Ibrahim Geedi.
Afhayeen u hadlay qurbejooga Soomaalida Holland ayaa xaqiijiyay in Soomaalida ku nool Holland ay dawladu biloowday in ay mustaafuriso.
Talaabadan dawlada Holland qaaday ayaa ku soo beegeysa xili ay xeryaha qaxootiga ee dalkaasi ka buuxaan Soomaali baadi goobeysa nolol wanaagsan.
SDN-Amesterdam
contact@soamlidiasporanews.com
