Hargaysa, 19 Sep, 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii la socday ayaa Galabta dib ugu soo laabtay caasimada Hargeysa ee Somaliland iyadoo Madaxweynaha iyo Xubnaha We ftigiisa Soo dhawayn Miisaaman lagaga hortagay Duleedka Hargeisa ilaa iyo Qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Waxaana Wadada hareeraheeda lagu arkay bulsho aad u tiro badani isugu soo baxay Soo dhawaynta Madaxweynaha .

