Uncategorized

Mashaariicdii uu Madaxweyne Siilaanyo ku dhagax dhigay Balli Gubadle iyo Kulamo uu la qaatay Duqayda Gobolka {DAAWO}

Balli Gubadle 19.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee xalay u dhaxay Gobolka Hawd Magaalo madaxdiisa Baligubadle ayaa saaka waxa uu kulamo la yeeshay Odayaasha, Dhaqanka Masuuliyiinta, iyo Qaybaha Bulshada ee Gobolka Hawd ayaa kulamadaasi ka dib waxa uu u soo dhaqaaqay madaxweynuhu dhanka Khayriyada oo ay madaxweynaha ku sugayeen kumanaan ka mid ah bulshada Reer Baligubadle oo halkaasi madaxweynaha si layaab leh ugu soo dhaweeyey isaga oo madaxweynuhu bulshada tirada badan ee isu soo baxay dhex-lugeeyey ilaa goobtii uu kahadlaayey oo ay taxnaayeen soo dhaweeyayaashii gobolku.

Madaxweynaha oo halkaasi kala hadlay bulshada qaybeheeda kala duwan waxa uu madaxweynuhu ka dib u dhaqaaqay goobo kala duwan oo qaarna xadhiga laga jaray kuwo kalena uu ku dhagax-dhigay sida Maxkamada Degmada oo uu madaxweynuhu dhagax-dhigay, Wasaarada Beeraha oo iyana uu madaxweynuhu dhagax dhigay qaybteeda Baligubadle loo dhisi doono, Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax-dhigay Dayr weyn oo lagu wareejin doono saldhiga Baligubadle, waxaanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Kastamka Cashuuraha ee Gobolka hawd oo dhismihiisa markii ugu horay laga taago Baligubadle.

Intaasi ka dib Madaxweynuhu waxa uu u soo kicitimay Caasimada Somaliland oo uu mudoo 6 caano maal ah kaga maqnaa hawlo shaqo isagoo soo maray 4 Gobol oo kala ah Saaxil, Togdheer, Daad-madheedh iyo Baligubadle oo ugu danbeeyey isaga oo madaxweynuhu ku maraayey goboladaasi baabuurtiisa khaaska ah ee madaxweynaha isaga iyo weftigiisuba halkaas oo uu maaxweynuhu ugu kuurgaleeyey baahiyaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin gobolada dalka qaar ka mid ah isaga oo madaxweynuhu goboladaasi ka soo fuliyey mashaariic aad u tiro badan oo ay u riyaaqeen dadweynaha ku dhaqan Somaliland iyo Goboladaasiba.

IMG_0426IMG_0418IMG_0415IMG_0409IMG_0402IMG_0391IMG_0383IMG_0379IMG_0366IMG_0366 IMG_0330IMG_0327IMG_0325IMG_0305IMG_0248IMG_0238 IMG_0211 IMG_0206 IMG_0198 IMG_0194 IMG_0187 IMG_0165 IMG_0154 IMG_0137 IMG_0134 IMG_0117 IMG_0115 IMG_0112 IMG_0108 IMG_0105 IMG_0091 IMG_0067