Uncategorized

Taliye ka Baxsaday Ciidamada Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya oo ka Xog Waramay Sababaha Baxsigiisa {DAAWO}

Nairobi 19.Sep 2013 (SDN)- Faysal Axmed Maxamed waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada amaanka Maamulka Kilinka 5-aad ee loo yaqaano Liyu Boolis,waxaana uu dhashay Gobolka Fiiq,Degmada Garbo ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,waxaana uu sheegay inuu ka soo baxdsaday Maamulka Kilinka 5-aad markii uu dul qaadan waayey dhibaatada ay ku hayaan shacabka.

Waxaa uu ka sheekenayaa arrimaha ku kalifay inuu ka soo baxsado Dawlada degaanka Soomalida,waxaana uu sheegay inuu dul qaadan waayey xasuuqa iyo kufsiga ay ciidamadaasi ku hayaan dadka degaanka, waxaa kale oo uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin baaxad leh oo shacabka ku qabaan isla markaasna ciidamada liyu boolis iyo kuwa Axmaaradu u geystaan dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay inuu ku jiri jrey Jeelka lagu magacaabo Jeel Ugaadeen,waxaana uu sheegay in jeelkaasi yahay mid dadku lagu khasbo inay sheegtaan inay ka mid yihiin ONLF inay ka mid ahayeen hadii kale jidh dil 24 saac loogu geysanayo,waxaanu intaas ku daray inay dadku sheegtaan inay ka mid ahayeen jabhadda ONLF xitaa kuwa aan waligood ka qayb noqon jabhaddaas.
http://www.youtube.com/watch?v=kQJdPZlEXUM

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com