Muqdisho 19.Sep 2013 (SDN)- Cabdisalan Cumar oo ahaan jirey Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee dowlada Federalka ayaa shaqada laga qaadey sidaas waxaa saxaafada u sheegey Mr. Cumar, isagoo mar kale beeniyey musuqmasiqii ay ku eedeysay kooxda Qaramada ” UN Monitoring”.
UN Monitoring aya Guddomiyihii hore ee Bangiga Dhexe iyo dowlada Federalka horey ugu eedeysay is-daba marin iyo maamul xumo loo gaystey keydka lacageed ee yaala Bangiga Dhexe.
Cumar oo eedeyntaas UN Monitring iska fogeeyey ayaa sheegey in Madaxweynaha dowlada Federalka Xasan Sheekh uu ogeysiiyey in xilka laga qaadayo, kadibna uu iscasiley isla-maalintaas.
Gudoomiyihii hore ayaa sheegey in sababta xilka looga qaadey aan loo sheegin, balse u maleynayo iney sababtu noqon karto warbixintii QM ka qoreen dowlada Federaalka iyo Bangiga Dhexe.
” Waxaan u maleynayaa in hadii aad howl galiso dad aqoonyahano ah oo isugu jira kuwa ka yimi dibada iyo gudaha dalka Somalia islamarkaana aad dib u kiciso hay’ad bur-bursan sida Bangiga Dhexe, waxaan u maleynayaa Somalia kuma noolaan kartid” sidaas waxaa yiri Cabdisalan Cumar oo la hadlayey Reuters.
Waarar aan la xaqiijin ayaa saxaafada u sheegay in dowlada Xasan Shiikh u magacabeyso xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Yusur Abrar, taasoo ka dhigeysa qofkii dumar ahaa ee ugu horeysay oo loo magacaabo hay’adaan.
Xil ka qaadista Cabdisalan Cumar ayaa ku soo beegantey xilli dowlada Federaalka hay’ad Mareykan ah oo si khaas ah loo leyahay “FTI Consulting” baaris ku sameysay xisaabteeda maaliyadeed taasoo qoraal ku soo saartey in wax is-daba marin ah ka muuqan qaabka ay DFS u maamushey misaaniyadeeda.
Dhinaca kale xil ka qaadistaan ayaa ku soo beegantey intii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka qayb galin shirkii lagu qabtey magaalada Brussels.
Dowlada Federaalka ayaa ah mid dadaal ugu jirta sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd maaliyada beesha caalamka ugu talagalashey horumarinta Somalia iyadoo go’aamadeeda siyaasadeed caynaanka u hayaan xubno horey uga shaqeysan jirey hay’ado samafaleed ” Local NGO”.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
