Uncategorized

Xisbiga Ucid Laantiisa Uk ayaa Deeq lacageed Gaarsiyey Muwaadin Reer Somaliland oo ku dhibanaa Wadanka Turkiga

London 19sep13(SDN) Xisbiga Ucid Laantiisa Uk ayaa Deeq lacageed Gaarsiyey Muwaadin Reer Somaliland oo ku dhibanaa Wadanka Turkiga ,Talabadan oo ah mid lagu dayasho wacan aya waxa maanta si rasmiya ugu wareejisay muwaadinkaas  lacagtii loo soo ururiyey Marwo Farduus Cige Gudoomiyaha Garabka Haweenaka ee Xisbiga Ucid  ,  lacagtan ayaa waxa  qayb libaax ka qadatay Marwo Farduus Cige iyada oo uga mahad calesay dhamaan Tageeraayashii Xisbiga Ucid iyo Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan Uk  , Muwaadinkan oo in mudo ku  dhibanaa wadanka Turkiga ayaa waxa la soo daristay xalaad cafiimaad daroo  lacagtan  oo dhan 9000Kun oo Pound una  dhigagta 15kun oo Doolaraka Maraykanka . Xubnaha Xisbiga Ucid ee Uk aya waxay uga mahad celiyeen dhamaan  dadkii ka cawiyey soo uruurinta kharashkaas taas oo u horseed ka ahaa Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid  Jamaal Cali Xuseen iyo  ku xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan waxa kale  oo qayb ka qatay Xoghayaha Xisbiga Ucid Cabdilaahi Cumar Shaqale oo aha  qofkii u horeyeyee lacagtaas ku Yabooha .  Xoghayaha Xisbiga Ucid laantiisa Uk oo la soo xiriiray shabakada qurbejoog ayaa waxa uu u baqay shacab waynaha Uk in laga qayb galo takulaynta Muwaadin kasta oo ku  dhiban dalka dibadiisa  xisbiyada qarankuna ay iska kashadaan waxana uu uga mahad Celiyey Marwo Farduus Cige oo iska xil saartay Hawshaas  .

 

1232731_569247399808376_2025729590_n

 

 

 

 

 

 

 

qurbejoog

Uk London