Uncategorized

“waxanu Caalamka Dacwad ugu Gudbinnay Shan Shakhsi oo qaarkood aanay Masuuliyiin ahayn oo Boobay Lacagtii dadkan, Madaxweynahana waxanu ku Haysannaa………”Eng. Faysal Cali Waraabe.

Hargeya:4-Oct-2013-(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markale Xukuumadda Somaliland ee uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne           Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) u jeediyey Eedo kulul oo dhinacyo badan taabanaya.

ina cali waraabeEng. Faysal Cali waraabe oo  u warramayey Telefishanka Somsat, ayaa xukuumadda ku dhaliilay  maamul-xumo iyo kala daadsanaan ka dhex jirta  dawladda, isagoo  xusay inay jiraan musuqmaasuq baahsan oo dalwaladdu ku dhaqaaqday.

Ugu Horrayn waxa uu Eng. Faysal Cali-waraabe Dhaliilo culus dusha ka saaray Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, waxana uu ku eedeeyey inaanu  awood u lahayn inuu Soomaaliya kala xaajoodo Maamulka Hawada Soomaalida, “Maxamed Xaashi Ma laha Awood uu wada Xaajood ku galo, aqoonteediina ma leh Heshiiskanna(arrinka Hawada Soomaalida) nuxurkiisa ma Garanayo, Waana Nin iska qalqaali ah, waxana ay ahayd in laga Hadlo ka hor intii aanay Qaramada Midoobay Wareejin, markii ay Qaramada  Go’aanka Gaadhay Golaha Ammaanku Ma Beddelo karo, wuuna iska Hadlayaa waxna kama qaban karo.” Ayuu yidhi  Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Guddoomiye Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “Maxamuud Xaashi Hadalkiisu wax ka soo qaad ma laha, fadeexaddii Garoonka ayaana taagan oo loo baahan  yahay in shirkaddii dhistay lala xisaabtamo”

Eng. Faysal waxa uu wasiirka Duulista Hawada Somaliland ku dhaliilay inaanu waxba ka qabanin garoonkii diyaaradaha ee Hargeysa oo lacag badan la geliyey, waxana  uu xusay inay shaqadii la rabay meesha ka maqan tahay, waxana uu yidhi, “saddexdii arrimood ee Garoonka loo xidhay si loo Hagaajiyo midna waxba lagama qabanin, culayskii aanay diyaaradaha waaweyni xammilaynin waxba lagama qabanin, Run-waygii waxba laga qabanin, Dayrkiina waa sidiisii oo lama taaban, waxan uu intuu dad urursado u leeyahay I daafaca ma garanayno”

Waxa kale oo uu Eng. Faysal Cali Waraabe tilmaamay in lacagta Garoonka Gashay aanay Gaadhin laba milyan,  waxana uu  xusay in shirkadda loo dhiibay tahay mid dhawaan uun la sameeyey, waxana uu yidhi, “ malyan iyo Badh wax ka badani garoonka may gelin,  shirkadda la sameeyey qalab may haysanin, ninka la siiyeyna waanu Naqaanna, lacagta ma qalab buu soo siistaa mise garoonkuu ku dhisaa.”

Guddoomiye Faysal waxa uu  xaaraan ku sheegay inay Xukuumadda Kuwait lacag kale Garoonka u oggolaato  iyadoo aan lacagtii horeba meel lagaga warramaa aanay jirin, “in lacag dambe Kuwait soo Bixiso iyadoo tii hore la isku haysto oo meeshay martay Aanu Ognahay, waxanu leenahay waa xaaraan” ayuu yidhi faysal.

Waxana uu Guddoomiye Faysal Dhaliilay qaabka uu wasiir maxamuud Xaashi uga Hawl galo shaqada ka socota Garoonka Diyaaradaha, isagoo su’aal ka keenay shaqada wasiirka, waxana uu yidhi, “isagii baa markaad Garoonka tagtaba sidii kuuligii dul taagan Bahashii Daamurka Qaldaysay  oo aad mooddaa inuu Foormaan ka yahay, meesha miyaa loo dhisayaa mise isagaa dhisaya, maxamuud xaashi Dembi weyn buu dalkan ka galay.”

Guddoomiye Faysal waxa uu Wasiirka Duulista ku tilmaamay nin Ceebeeyey Sumcaddii shacabka reer Somaliland, islamarkaana is hortaagay lacago badan oo dawladda Kuwait Somaliland ugu deeqi lahayd, waxana uu yidhi, “Maxamud Xaashi Garoonka iyo Shacabka Somaliland, dembi weyn Buu ka galay, kuwat Afartan Milyan oo kale ayey inoo soo wadday oo ka baxsan mucaawimada ay ugu talo gashay soomaalida, waxaasaana ku dhacay lacagtii.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid waxan uu wasiirka ku eedeeyey inuu u muuqdo nin saami hoose ku leh shirkadda garoonka dhisaysa, waxana uu yidhi, “Shirkaddii meesha dhistay baanu is haysannaaye, waxanu leenahay waar garoonkii ma dhammee adigu gees nooga leexo, Haddii aad na leedahay Shirkaddaan saami ku leeyahayna, sida  dad ka tirsan wasaaradda Tacliinta oo Hadda Jaamacadaha Saami ku yeeshay oo dawladdu lacagta siiso Dee Ha Caddeeyo.”

Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inay dacwad ka gudbiyeen tiro dad ah oo xukuumaddan haatan ku jira, kuwaas oo uu sheegay inay hantidii umadda Boobeen, “waxanu Caalamka Dacwad uga Gudbinnay Shan Shakhsi oo qaarkood aanay Masuuliyiin ahayn oo Boobay Lacagtii dadkan ayaanu Magacyadooda Gudbinaynaa, Madaxweynahana waxanu Ku Haysannaa inuu   hawshiisii uu dadkale oo aan  dastuuri ahayn u igmaday.” Ayuu yidhi Eng. Faysal.

Waxa kale oo uu faysal dhaliilay Hannaanka Sharciga Baalmarsan ee ay xukuumaddu u marto dhismayaasha ay waddo, waxana uu dibadda u soo saaray inaanay xukuumaddu waxba u sheegin Hay’adihii qaranku u samaystay inay Shaqooyinkaas qabtaa, waxana uu yidhi, “intaas oo dhisme  oo wasaarado ah ayaa waddanka laga wadaa, wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guddida Qandaraasyada midkoodna wax war ah uma Hayaan, cidda qandaraasyada qaadata iyo sida ay ku helaan midna cid ogi ma jirto.”

Eng. Faysal oo ka hadlaya dhaqamada aan hore u jirin ee xukuumaddani ina bartay, ayaa yidhi, “ wax kastoo xukuumaddani qabato Hadal baa ka imanaya, sababtuna waa wixii baan ahayn wax xalaal ah oo caddaalad ku dhisan  oo nidaam dawladeed salka ku haya”

Guddoomiye Faysal ayaa tilmaamay inay xukuumaddan maanta jirtaa   musuqmaasuq iyo eex ay caan ku tahay kusii darsatay Hanjabaado, “musuqmaasuqii, Boobkii, qabyaaladdii, maamulxumadii waxay ku darsatay Hanjabaad, waligiin maynaan arag Qabiil qabiil kale ku mudahaarada maantase way dhacday oo dawladdanaa inoogu horraysay, dadkiina waa la kala furfuray  oo reer reer Baa loo kala fadhiisiyey.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com