Caynabo 13.October 2013 (SDN)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxmed waran Cadde oo Mudooyinkii u danbeeyay hawlo nabadayn ah u joogay Gobolka saraar ayaa Maanta Sheegay In la soo afjaray Shaqaaqadii Deegaaanka Qararo ee Gobolkaasi Saraar.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland waxaa kale oo u ugu baaqay Bulshada ku nool Jiida deegaanka ay Shaqaaqadu ka dhacday inay ilaaliyaan Wax kasta oo saamayn ku yeelan kara nabadgalyada Guud ee Wadanka sidoo kale waxaa uu shaaciyay in aanay Xukuumad ahaan ogolaan doonin Dhul daaqsimeedka la deegaamaysanayo.
Caynabo SDN.
Qurbejoog.com
