Uncategorized

“Waxanu u Aragnaa Inaanu Madaxweynuhu Aanu Awood uu Sharciga Ku ilaaliyo lahayn Oo marba wixii dad isaga isticmaalayaa…….”Eng. Faysal cali waraabe.

Hargeysa:16-0ct-2013(SDN)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.FaysalCali Waraabe  ayaa si weyn uga soo horjeestay   muddo kordhinta uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan u sameeyey Guddida Diiwaangelinta iyo Axsaabta qaranka oo wakhtigoodii uu dhacay.

INA CALI YAREEng. Faysal cali waraabe oo u warramay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa tilmaamay inaanay Haboonayn in madaxweyne Siilaanyo isaga oo aan cidna la tashan uu muddada u siyaadiyo Guddidan oo hore wixii ay u soo qabatayba la isku haysto, “Waxa mar kasta soo caddaanaysa in aanu madaxweynuu si buuxda u shaqaynayn oo kolba waxii la hor dhigo isaga oo aan eegayn sida ay sharciyan dalka u saamaynayso uu saxeexaayo.gudidan diiwaangalinta ee uu maanta u kordhiyay markii horena asxaabtii qaranka ee jirtay kalama’uu tashan iyada oo ahayd inuu nala tashado oo aanu xubnahayaga soo magacawno, sida komishanka qaranka,imikana waxa uu ku celiyay khaladka khaladkiisii oo iyada oo sharciyadii ay ka dhacday oo aanu xaq u lahayn inuu kordhiyo ayuu hadana u kordhiyay.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali waraabe.

Eng. Faysal ayaa madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inaanau lahayn awood madaxweyne oo  aanay jirin wax isaga gacantiisa ku jiraa, waxana uu si weyn ugu eedeeyey in cid kale madaxweynaha awoodiisa adeegsanayso, waxana uu yidhi,  “ waxaanu u aragnaa in aan madaxweynuu awood uu sharciga ku ilaaliyo aanu hayn ee kolba waxii dad isaga isticmaalayaa ay hordhigaan uu saxeexaayo,isaga oo aan eegin sida ay qaranka iyo sharciga wax u yeelayso,waanan ka xunahay in dalkiii uu sidaas u socdo,waana sharci daro gudidaasi xaqna uma laha inay shaqeeyaan ee waa sharci daro.”

Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta qaranka oo aan haba yaraatee wax shaqo ah dalka ka qabanin, ayaa mar kale madaxweyne Siilaanyo muddo kordhin u sameeyey, waxana arrintaas si weyn uga soo horjeeda axsaabta mucaaradka ah oo u arka kaliya qaar waddanka ku haya culays dhaqaale oo aan wax maslaxad ahi ku jirin jiritaankooda.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com