Uncategorized

Madaxtooyada Somaliland Oo Ku Margatay Magaca Maalin Qaali Ku ah Quluubta Shucuubteeda

Hargeysa:17-Oct-2013(SDN)-Madaxtooyada somaliland ayaa taariikhda Markii ugu horraysay si kale u dhigtay magaca maalin ka mid ah maalmihii ugu qaalisanaa taariikhda raggii keenay Dawladnimada maanta la hadhsanayo.

siilaaaaaa17-ka October oo guud ahaanba shacabka reer somaliland si weyn u qiimeeyo, ayaa haddana waxa sidii saxda ahayd ee magacu ahaa baal maray Qoraal loogu talo galay in loogu fooladeeyo oo habeenkii xalay ahaa ka soo baxay qasriga madaxtooyada somaliland oo maalinta magaceedii ka dhigay wax kale oo aan meeshaba Oollin.

Maalintan haatan la xusayo ee lagu gudo jiro ee 17-October, waa maalin ay dhinteen mujaahidiintii ugu badnayd ee isku goob kaga shahiidda ururkii qaranimada keenay ee SNM, waxana qaranku u asteeyey inay noqoto maalin iyaga gaar loogu xasuusto, islamarkaana loogu magacaabo maalinta Shuhadada SNM, waxase taag gefay oo baal maray madaxtooyada oo lagu asteeyo inay ka soo jeeddo mujaahidiintaas maanta xuskooda loo dareerayo.

War-saxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay oo ah mid magaca saxda ku mergaday, ayaa u dhigay isagu magaca maalintan Maalinta Mujaahidiinta, waxana dad badani is weydiinayaan waxa ay ahayd maalintani oo aanay waligood taariikhaha wax la xuso hore ugu maqlin, maantase ku cusub.

War-saxaafadeedka maalintan qaaliga ah sida kale u dhigay oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xarunta wararka ee Qurbejoog.com ayaa u dhignaa sidatan:

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan mujaahidiintii SNM munaasibada 17-Octoer 2013 awgeed oo ah maalinta loo asteeyey xuska mujaahidka SNM.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu bogaadintaasi maalinta mujaahidka uu ku xusay in maalmihii adkaa ee soo wajahay halgamayaashiiSNM oo ay kumanaan qof ku dhinteen, kumanaan kalena ay ku naafoobeen ay natiijadeedii noqotay in ay dhabawday ujeedadii halgankaasi loo soo mara, maantana ay shacabka reer Somaliland ku naaloonayaan midhihii halgankaasi oo ay yihiin qaran xor ah oo u taagan difaacooda, sharaftooda iyo jiritaanka qarankeena.

Waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, uu illaahay uga baryayaa mujaahidiintii ku naf waayay halgankii, in illaahay naxariistii jano ka waraabiyo intii ku naafawday iyo agoontii ay ka tageen mujaahidiintii qarankan u naf waayey in uu illaahay nolosha u sakhiro.

 

Xukuumada Somaliland-na ay diyaar u tahay intii awoodi noqoto in mujaahidiintaasi nool iyo agoomihii ay mujaahidiintu ka tageen ay gacan siiso.

 

WA-BILAAHI TAWFIIQ

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com