Kulachi Oct 17,2013(SDN)-Mid ka mida wasiirada Gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo ah degaan ay awood badan ku leeyihiin kooxda Talibaan ayaa Ciidii lagu khaarijiyay wasiirkii Sharciga rr gobolkaas.
Israrullah Gandapur ayaa kiyoo aqalkiisa ku qaabilaya qaar ka mida dadka degaanka ayaa ruux isku miidaamiyay.
Wasiirka iyo todobo kale oo halkaa ku sugnaa ayaa geeriyooday iyada oo 30 ruux oo kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa.
Talibaanka dalka Pakistaan ayaa dhawaan shaaciyay in ay doonayaan in ay wadahadalo la furaan dawlada dalkaasi.
Balse todobaadyadii u danbeeyay ayaa waxa ay weeraro joogta ah ku laayeen dad faro badan oo shicib u badnaa.
SDN-Kulachi
contact@somalidiasporanews.com
