Hargeysa:17-Oct-2013 (SDN.)-Sheekh Aadan Aadan Maxamuud Xiirey (aadan Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer somaliland ayaa xukuumadda somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo u soo jeediyey waanooyin iyo iyo wax u sheeg dhaxal gal ah oo dad badani soo dhaweeyeen.
Sheekh Aadan oo la hadlayey dadweyne Gudanayey waajibaadka salaadda ciidda, ayaa xukuumadda kula taliyey inay ka dheeraato eexda iyo qof jeclaysiga ay caanka ku tahay, waxana uu u tilmaamay inay banka soo dhigto waxyaabaha umadda ka dhexeeya, “Waar Hantida Umadda halloo sinnaado, shaqada halloo sinnaado, wax waloo dadku ay wada leeyihiinna si muuqata oo cad tartan halloo geliyo, xukuumadda jirta ayaanu sidaas ku waaninaynaa.” Ayuu yidhi xaaji aadan siiro.
Sheekh Aadan Siiro waxa uu xukuumadda haatan talada haysa ku dhaliilay hannaanka bahdilan ee ula dhaqantii dadkii karaamada lahaa ee dalkan duruufaha adag ee qallafasan kala soo tallaabsaday, waxana uu tusaale fiican u soo qaatay Habka ay xukuumaddu ula macaamisho mujaahidiinta dalka ee uu ugu horreeyo mujaahid ibraahim dhegoweyne, waxana uu yidhi, “waxa wax tabanaya Hoggaannadii dalka ee soo halgamay, waxa wax tabbanaya dad badan oo qiimo weyn ku leh dalka gudihiisa, madaxweynaha iyo tiimka uu Hoggaaminayaa Ha Dhagaystaan.Haddii ibraahim dhegoweyne la dhegaysan waayo, yaa kale ee la dhagaysanayaa, waa dadka dhifta ah ee somaliland ku faanto, waa dadka dhifta ah ee maanta wanaaggan aynu hayno ee lagu ledayo ee lagu khamiisyo cad yahay dadkii keenay weeye”
Mar uu sheekh aadan siiro ka hadlayey duruufaha qallafsan ee maanta mujaahidiinta dalkan xaqa ku lahaa ku noolyihiin, islamarkaan kuwii caanka ku ahaa carqalada iyo dib udhaca somaliland sida ay badhaadhaha ugu jiraan, ayaa yidhi, “ waxa la ii sheegayaa in carruutiisa maanta dhegoweyne dirqi fee-ga lagaga bixiyo, Halka kuwii dadka iibin jirey maanta Land Cruser-ada ugu cad cad iyo Guryaha ugu waaweyn ku jiraan”
Sheekha oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi,“ibraahim waa iga tilmaan laakiin cidna kuma taageersanin sharciyadda inaga dhaxaysa iyo waxa aynu samaysanay, laakiin ma aqbalayno in karaamada laga qaado dadka qiimaha ku leh dalka Gudihiisa, hadii aan iyaga la ixtiraaminna ka joogaan ixtiraam yeelan, wadaad, wasiir iyo madaxweyne midna karaamo yeelan maayo waana laga yaabaa kuwaa maanta la eryanayaa inay saadambe inay yimaadaan,”
Sheekh aadan ayaa shacabka uga digay inay gacantooda ku samaystaan qaar awooda ku takri fala, waxana uu xukuumadda ugu baaqay inay joojisay aqoodaha aan dastuurku jidaynin ee ay isticmaalayso, waxana uu yidhi, “DICTATORS-ka Umaddaa Abuurta waxanu leenahay waar sharciyadda halla ilaaliyo, awoodo aan distoori ahayn ayaa dadku ka cabanayaan oo dalka ka jira, waar awoodaha distooriga ah ee aynu ku heshiinay halla xoojiyo, awoodaha aan dastuuriga ahayn ee la sameeyeyna halla joojiya, waar magacyo aan jirin ha abuurinna, waa awoodo aan jirin ha abuurina, waar qofka intiisa ha dhaafinina ii qof caadi ah ka iska ahaado”
Sheekh Aadan xaaji Maxamuud ayaa ugu dambayntii xukuumada usoo jeediyey inay wakhti ku lumiso sidii da’yarta badaha isku guraysa loogu samayn lahaa shaqo, islamarkaana looga saari lahaa niyadjabka ka haysta mustaqbalkooda, waxana uu yidhi, “ xukuumadda waxanu leenahay waar carruurta shaqo halloo abuuro, waar ardayda jaamacadaha shaqo halloo abuuro, waxa ay badda iskugu tuurayaanna waa rajo la’aan”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, ayaa ka mid ahaa Guddidii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay waddada isku xidha Gobolada Sanaag iyo Togdheer, waxana uu ka hadhay Guddidii oo badiba haatan ku sugan Gobolka Sanaag, waxana warar hoose sheegayaan inuu sheekhu ka biyo diiday Hannaanka Guddidu wax u waddo iyo waliba xubno aanay isku sal bannaanayn oo Guddida ku jira.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
