Hargaysa 21.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye mudane maxamed kaahin Axmed ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay xarunta xisbiga kulmiye ee malaagada hargaysa ku sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo xisbiga kulmiye dhex yaala islamrkaana shirweynihii xisbigu qabsoomi doono dabayaaqada bisha diisanbar ee sanadkan.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye mudane maxamed kaahin axmed waxa uu shirkiisa jaraai d ku sheegay in xasbigu uu ku jiro diyaar garaw qaban qaabo maadaama uu soo dhawayay shirweynihii xisbiga kulmiye, islamrkaana ay ku jiraan xisbi ahaan wada tashiyo iyo doodo ku saabasan xulida iyo iskudubaridka hawsha baaxadaa leh ee xisbiga ku soo fool leh .
Gudoomiye ku xigeenka koowaaad ee xisbiga kulmiye md. Maxamade kaahin Axmed waxa uu sheegay in gogol xaadhka iyo lafo gurka hawsha ka dib ay maalmaha soo socda warbaahinta ka sheegi doonaan magacayada liiska gudida qaban qaabada shirka ee hawlasha shirweynaha xisbiga wadi doonta.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Gudoomiye ku Xigeenka Kulmiye
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Max’edKaahin29.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
