Uncategorized

Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada oo Iftiimiyay Shuruudaha ay Shaqaalaha ku qaadanayaan Sannadka Cusub

Hargaysa 21.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada  mudane Nuux  Sheekh Muuse Ducaale ayaa maanta shir jaraa’ id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga waramay shuruudaha looga baahanyahay shaqaalaha kala dawan ee hayadaha dawladu ay qaadan doonaan sanadka cusub ee inagu soo foolka leh.

Nuux Sh,Muuse DucaaleGudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada md Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo amuurahaasi ka hadlay ayaa sheegay in hay’ada shaqaalaha dawladu u xilsaarantahay qorista iyo sharciyaynta shaqaalaha joogtada ah ee dawlada sidaa daraadeed loo baahan yahay in la  waafajiyo sharciga shaqo  qorista shaqaalaha dawlada.

Gudoomiyuhu waxa uu intaa ku daray   iyadoo laga duulayo qodobka 8 aad ee xeerka shaqaalaha dawlada oo sheegaya shuruudaha shaqo qorista shaqaalaha dawlada , iyo qodobka 9 aad oo isna si toos ah u qeexaya imtaxaanka shaqo qorista iyo magacaabista guddida imtixaanka.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in hayada shaqaalaha dawladu in ay ku wargalinayso dhamaan wasaaradaha iyo hayadaha madaxa banana ee dawlada ee miisaaniayada sanadka 2014 ka ay ugu jiraan shaqaalaha cusubi ,in la marin doono imtixaan  furan oo ay ka wada qayb qaadan doonaan muwaadiniinta dalku intooda buuxisa shuruudaha looga baahdo., waxaanu intaa raaciyay in aan la ogalayn shaqaale ku meel gaadh ah,isla markaana   hay’ad kasta iyo wasaarad kasta oo qorota shaqaale aan joogto ahayn waxay hay’ada shaqaalaha ula siman yihiin muwaadiniinta shaqo doonka ah.

Gabagabadii waxa uu gudoomiyihu sheegay in shaqaalaha sanadka 2014 la qaadan doonaa in ay noqon doonaan 1400 oo shaqaale  kuwaasoo labad wasaaradood ee ugu badani ay noqon doonaan caafimaadka oo qaadan doona 600 halka waxbarashadu ay qaadan doonto 400 oo shaqaale ah iyadoo  halku dhiga hay’ada shaqaalaha ee sanadka 2014na uu yahay cadaalada si shaqada dalka loogu sinaado si dhalinayaradu  ay uga baaqato aafada tahriibta.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com