Uncategorized

Xarunta Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Saddex Sano ka dib Shalay Madaxweyne Siilaanyo Looga Dhigay Mid Shaqeeya

Hargeysa:04-Dec-2013(SDN)-Waxa Muddo saddex sano ka badan oo uu Magacownaa markii ugu horraysay si Rasmi ah Albaabada Loo furay Xafiiska Guddida qandaraasyada Qaranka eek u dhex yaalla Dhismaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

qqqXafiiskan oo inta badan iska xidhan wax shaqo ahina aanay haba yaraatee ka soconin, ayaa Shalay  u ekaa Xafiis shaqo ka dib markii Madaxda Xafiisku ogaadeen in Madaxweyne Siilaanyo uu Hoolka Hay’adaha Shaqaalaha Dawladda oo ay garabka isku hayaan uu iman doono.

Guddoomiyaha Xafiiskan ayaa sida  ay sheegayaan Wararka aanu isla xafiiskan ka helnay, Shaqaalahiisa Habeen Hore ku amray inay dhammaantooda subaxa hore soo kallahaan oo ay soo shaqo galaan, islamarkaana u habeeyaan   xafiiska goob shaqo ka socoto, maadaama uu madaxweynuhu ku soo fool leeyahay.

Xafiiska Guddida qandaraasyada qaranka oo shaqaalaha tirada yare e ku qorani inta badan suuqa iska joogaan ayaa shalay ka hor ahaa mid cidla ah oo marka ay ugu badan tahay shan qof wax ka badani aanay joogi jirin, balse shalay Waxa Kuraas, miisas iyo agabyada kale ee xafiisyada la soo dhigay Qolka  Albaabka laga galo ugu xiga, waxana la dhex fadhiisiyey waxoogaa shaqaale ah oo aan  caajis badani ka muuqday.

Kaliya waxa shalay xafiiska loo furay sidii la iskaga duwi lahaa isha madaxweynaha, isla-markaana loo muujin lahaa sawir ah inuu xafiisku shaqo u furan yahay oo adeeg lagu dhex wado, balse xaqiiqdu sidaas waa ay ka fog tahay.

 

 

Xafiiskan oo Qaranka ugu magacaaban shaqo muhiim ah, balse aan wax Hawl ah qabanin, ayaa Noqday fadhiid shaqaalaha ka Hawlgalaana kaliya waxa ay tirsadaan inta maalmood ee ay bishu tahay oo waxay ay meesha ku sugaan mushaharka ay qaataan.

Guddoomiyaha Guddidan  Aadan Nugaal, ayaa isagu inta badan xafiiska yimaadda in ka mid ah wakhtigiisana fadhiista,  balse marka uu wax uu qabto waayo ee uu ku caaso ayuu iskaga Hulleelaa, isagoo shaqaalaha kalena aan wax kantarool ah saarin, maadaama aanu u haynin wax shaqo ah oo ay qabtaan.

Xafiiska ayaa waxa fadhiidka ka dhigay xukuumadda markii horeba samaysay, waxana ay la garab martay shaqadiisii ahayd inuu Baahiyo  wax kasta oo xukuumaddu dhisaynayso ama iibsanayso oo lacagta ku baxaysaa ay ka badan tahay $300, waxana ay xukuumaddu dhammaanteed  isku raacday inay sidii ay doonto umaamulato dhismayaasha ay dhisanayso iyo qalabyada lacagta badani ku baxayso ee ay iibsanayso oo ay qandaraasyadooda si dhuumasho iyo laaluush ah ciddii ay doonto u siiso.

Guddidan oo la  da’ ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa tan iyo intii la sameeyey kaliya qaranka u qabatay laba shaqo kuwaas oo kala ahaa Baahinta iyo kala saaridda qandaraaskii lagu iibiyey dhismaha wasaaradda Duulista Hawada iyo soo Iibinta idaacadda cusub ee Radio Hargeysa, balse intaas ka dib waxa ay noqotay mid kaliya ka mid ah Hay’adaha madaxa Bannaan ee Dawladda oo aanay shaqoba ka dhex soconin, maadaama shaqadeedii masuuliyiintii soo Gudbin lahaa la aamuseen iyagoo ka idaad haysa Madaxweyne Siilaanyo.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu masuulka koowaad ka ah Fadhiidnimadda Hay’addan uu gacantiisa ku aasaasay, waxana uu wasiirradiisa ku daawanayaa inay suuq madow ku Bixiyaan qandaraasyada ku saabsan  baahiyaha  Hay’adaha dawladda iyo inay  heshiisyo musuqmaasuq la  la galaan shakhsiyaad suuq madaw jooga oo waddanka keena waxyaabo  aan tayo lahayn.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com