Uncategorized

Muxuu salka Kuhayaa dib u dhaca magacaabida Gollaha Wasiirada Soomalaiya?

Muqdisho Jan 07,2014(SDN)-Waxa maalmihii ina dhaafay soo shaac baxay in khilaaf ka taagan yahay magacaabida gollaha Wasiirada ee lagu waday in uu soo xulo Raiisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Md Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Raiisul wasaaraha Cusub ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay shuruudaha uu ku kala reebayo xubnaha gollaha Wasiirada ka mid noqonaya.

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay dhankiisa in aan xubnaha uu isagu wato wax shuruud ah lagu xirin oo sidoo loo magacaabo.

Raiisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isagu doonaya in uu magacaabo xubno taageero ka heysta beelaha ay ka soo jeedaan si baarlamaanka uu uga helo taagero buuxda.

Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa doonaya in xubnaha ka mid noqonaya gollehiisa wasiirada ay la yimaadaan taageerada xildhibaanada beelahooda.

Waxaanu u muuqdaa Raiisul wasaaruhu in uu ka sii tabaabusheysanayo dagaalada baarlamanaka Soomaaliya caanka ku yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kolkii hore isu muujinayay in uu ku kalsoonyahay Raiisul wasaaraha cusub ayaa haatan gorgortan adag la galay raaiisul wasaaraha kuna cadaadinaya magaacibada xubnaha uu u gudbiyay.

si kastaba ha ahaatee waxa muuqda in aaney wax badan iska bedelin siyaasada hogaaneed ee dalka Soomalaiya.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com