Uncategorized

Khilaafkii Kulmiye Oo Sii Cuslaaday, Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Farogeliyey iyo Warbaahinta Dawladda Oo Diidday Inay Faafiso Warkii Xisbigu Ku Daadifeeyey Shirkii Saylici Ku Baaqay

Hargeysa:07-Jan-2014(SDN)-Waxa meel halis ah mar kale maraya khilaafkii murugsanaa ee boqnaha gooyey xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye.

qoslayKhilaafkan oo dhawaan uun soo Laba kacleeyey, ayaa la sheegayaa inuu Haatan Gaadhay inaan waxba la isula Hadhin oo warbaahinta la iska canaanto, iyadoo Garabka Muuse Biixi si toos ah ganafka ugu dhufteen Baaq kaga yimi dhinaca Saylici oo ahaa inuu iskugu yeedhayo Guddida Fulinta ee Xisbiga.

Baaqaas ayaa waxa Warbaahinta kaga Jawaabay Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu sheegay  inuu Madaxweyne-ku-xigeenku qar jafayo oo aanu xaq iyo sharci midna u lahayn inuu iskugu yeedho Guddida fulinta, isla-markaana kaliya uu iskugu yeedhi karo Guddoomiyaha Xisbigu.

Shirkan Madaxweyne-ku-xigeenku ku baaqay oo shalay dhici lahaa ayaan qabsoomin, waxana Haatan sii xoogaystay Khilaafkii xisbiga ku dhex jirey, iyadoo Warar Hoose oo qorjeboog.com heshay sheegayaan In Saylici iyo maxamed Kaahin Hadallo kulkulul Telefoonka iska weydaarsadeen.

Sidoo kale waxa ay sheegayaan wararka aanu haynaa in Saylci Cadho la dalligmay markii Maxamed Kaahin iyo Kooxdiisu warbaahinta soo Fadhiisteen iyo Madaxweyne ku xigeenka Amarkiisa Daadafaynaya, waxana ay taasi keentay inuu meesha ka baxo yeedhmadii iyo baaqii uu Golaha dhexe isku yeedhay.

Muranka iyo khilaafka xisbiga ayaa sidii caadadu ahayd gilgilay madaxtooyada, waxana la sheegayaa inuu madaxweyne Siilaanyo u yeedhay Madaxda Xisbiga oo ay ka mid yihiin Guddoomiye Muuse iyo Maxamed Kaahin oo lagu tuhun san yahay inay Hurinayaan khilaafka hoosta ka socday oo xisbiga ku dhex jirey.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale filayaa inuu kulamo isdaba joog ah la qaato madaxda xisbigiisa, waxana laga sugayaa inuu meel saaro khilaafkaas soo cusbonaaday, iyadoo khilaafkani ka culus yahay dhammaanba khilaafyadii hore ee Xisiga soo maray oo laga soo gudbay.

Waxa kale oo jira in Warbaahinta dawladdu ay Gebi ahaanba dhulka dhigtay oo diiday inay Baahiso warkii hoggaanka Xisbiga kulmiye ku deedafeeyeen Yeedhmadii Saylici, iyadoo taasina Cadho badan gelisay Hoggaanka Xisbiga oo u arka inaan warbaahinta Dawladda xataa xisbiga Talada Hayaa u sinnayn oo cidda madaxtooyadu doonaysaa uun wax marsan karto.

Khilaafkan ayaa ah mid guun ah oo muddo soo socday, walina lama hayo cid si mudakar ah xiddidada ugu siibta dhibka xisbiga ku dhex jira, mana muuqato cid si daacad ah uga garnaqi karta dhibka jira oo xisbiga ku soo celin karta xaaladdiisii caadiga ahayd.

Shirweynihii xisbiga oo haatan wax kayar laba Toddobaad ka Hadhsan yihiin ayaa, ayaa u muuqda mid markale Dib u dhici doona, maadaama khilaafkani yahay mid gaadhay madaxtooyada oo la sheegayo inaanay ku faraxsanayn hannaanka Loo maamulayo Hawlaha shirweynaha xisbiga Oo Hoggaankuna aaminsan yahay inay Middi Roortaynayso.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com