Djibouti:-07-Jan-2014(SDN)-Wararka Naga Soo Gaadhaya Dalka Djibouti ayaa sheegaya inuu Halkaas Xalay ku Geeriyooday Allaha unaxariistee Awbaan Aw Jaamac Cumar Ciise oo Ahaa Shakhsi wax weyn u soo qabtay Suugaanta iyo Afka Soomaaliga.
Aw Jaamac Cumar Ciise waxa uu in badan ururiyey oo uu wax u taray Afka soomaaliga oo sanadahan dambe ahaa mid sii dabar go’aya, waxana uu caana ka ahaa guud ahaanba Dhulka soomaalidu degto iyo Meelaha kale ee afafka lagu ciseeeyo.
Marxuumka ayaa waxa uu dhashay 1922-kii waxaana uu kamid yahay Somalida sida weyn loo tebi doono dhinaca uruurinta Suugaanta Somaliyeed.
Waxa uu ahaa macalin Afka Somaliga iyo suugaantaba laga barto sida uu sheegay Axmed Yuusuf Idaa-jaa oo ka mid ahaa ardaydii marxuumka geeriyooday.
Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso Dhulka Djibouti dhawaan, waxana laga yaabaa inay Aaskiisa kasoo qaybgalaan Shakhsiyaad ka kala iman doono meelo kala duwan oo caalamka ah, maadaama uu ahaa nin ay soomaalidu si weyn u tixgelin jirtey oo tacabkiisii iyo wakhtigiisiiba geliyey dhinaca daryeelka Afka Soomaaliga iyo ururintiisaba.
S.D.N
