Muqdisho:-07-Jan-2014 (SDN)-Wali waxa ay Caqabad adagi ka Taagan tahay Hannaanka soo xulidda Golaha wasiirrada cusub ee Dawladda Federalka somalia, waxana jira Baaqyo ka imanaya Beelo saluugsan cidda meteli doonta.
Arrinan ayaa keentay in madaxweyne Xasan uu soo farogeliyo xurgufta ka taagan Magacaabista Golaha, waxana uu xalay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia kula kulmay xildhibaano kasoo jeeda beelaha Daarood.
Kullanka ayaa waxaa looga hadlay golaha wasiirada cusub ee dhowaan lasoo magacaabayo oo weli ay jiraan xubno qaar ah oo aan laga heshiin, beeluhuna ay isku haystaan.
Xildhibaanadii xalay la kulmay madaxweynaha, ayaa ka codsaday in dib loo soo celiyo oo aan jagadiisa laga beddelin wasiirka maaliyadda ee xukuumaddii Saacid Maxamed Xasan Suleymaan, xilli ay jiraan warar sheegaya in la beddelayo.
Maxamed Xasan Suleymaan waxa uu kasoo jeeda beesha Majeerteen.
Madaxweynaha ayaa dhageystay fikradaha xildhibaanada, balse ma siin wax jawaab ah, sida ay xubno ka qeyb galay u sheegeen warbaahinta.
Waxa jira warar kale oo sheegay in xilkaas loo magacaabi doono Xuseen Cabdi Xalane, looguna dari doono ra’iisul wasaare ku xigeen, waxana ay taasi keenay shaki ku yimaadda Beesha uu ka soo Jeedo Maxamed Xasan Sulaymaan.
Xuseen Cabdi Xalene waxa uu ka dhashay beesha Ogaadeen, waxaana maalmahan ka socda Muqdisho loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya beeshiisa iyo Majeerteen oo ku wajahnaa xilkaas.
Ugu dambayntii waxa la sheegayaa inuu madaxweynuhu u sheegay Xildhibaanada Beesha Daarood ee uu xala la Kulmay inay sugaan Ra’isal wasaaraha oo aanay ka degdegin cidda uu magacaabayo, si meesha looga saaro caqabadda iyo dib u dhaca Haatan ka taagan Magacaabista Wasiirrada Cusub.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
