Garowe:07-Jan-2014(SDN)- Iyadoo Saacado Kali ahi Ka Dhiman Yihiin Xilligii rasmiga ahaa ee loo qoondeeyey Inay Qabsoonto Doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Puntland, ayey Guddidda Nabadgelyada ee Arrintaas loo xilsaaray Soo Saareen Awaamiir culus oo dhinaca ammaanka ah.
Guddiga Amniga Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay gaadiidkii isaga kala gooshi jiray gudaha deeganada Puntland iyo kuwii tagi jiray Magaalooyinka Puntland inta Doorashadu dhammaanayso.
Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka amniga Maamulka Puntland wuxuu sheegay in inta doorashada lagu guda jiro aanay jiri doonin wax gaadiid ah oo ka dhaq-dhaqaaqa guud ahaan deeganada Maamulka Puntland.
Wasiir Mudan Wuxuu sheegay in gaadiikii geyn jiray xoolaha nool dekada Magaalada Boosaaso si KMG ah loo hakiyay inta doorashada lagu guda jiro sababo looga gol leeyahay ammaanka deeganada maamulka Puntland.
Maalinta Barri ah ayaa qorshuhu uu yahay inay dhacdo doorashada xilka madaxtinimo ee Maamulka Puntland, waxana jira Tiro badan oo musharixiin ka qayb qaadan doona Doorashadan, iyadoo aan wali la saadaalin karin cidda Guushu raaci doonto.
Doorashada Puntland ayaa haatan u socoto si habsami ah iyadoo ka soo gudubtay marxalado badan oo adkaa, waxana kaliya haatan hadhay in Baarlamaanku fadhiistaan oo doortaan cidda ay ku aaminayaan Masiirka Umadda Reer Puntland shanta sano ee soo socota.
Waxa gebi ahaanba si weyn loo adkeeyey ammaanka maamulka Puntland, waxana heegan buuxa ku jira Ciidanka kala duwan ee maamulkaasi leeyahay iyadoo si weyn culayska loo saaray meelaha xuduudaha ah, waxana si gaar ah ammaankeeda loo adkeeyey xarunta Baarlamaanka ee Doorashadu ka dhici doonto.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
