Borama 15.Jan 2014 (SDN) Beesha Reer Dudub ee Samaroon ayaa Sheegay in Maamulka Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay la Galayaan Dagaal Cad oo aan Qarsoodi lahayn waxaa kale oo ay Xuseen in Beesha dhexe ee Isaaq Wixii ay ka Dagaalantay ee Xaq darada ahaa ay iyana Maanta ka Dagaalami doonaan Isla markaana ay Kaadidooda u Soo Cabi doonaan.
Waxaa kale oo Xubno afka Beeshan ku hadlayay ay Sheegeen in ay deegaan ahaan Saaran yihiin Xuduud Isla Markaana ay Go’aamin doona inay Calanka Itoobiya ka Taagaan Deegaankooda Waxaanay hadalkan ka Sheegeen Shir ay ku Qabteen Degmada Qun Ujeed.
Odayaasha Iyo Waxgaradaka Beesha Reer Dudub Waxa uu Nuxurka Hadalkoodu u dhacayay Saami qaybsiga degmada Xariirad oo ay ku doodeen inay Gacmo Madhan ka Joogaan
Borama SDN.
Qurbejoog.com
