Uncategorized

“Waxaan miiska saarnay wixii naloo igmaday, oo ah gaadhsiinta codka shacabkayaga meel dheer.Maalmaha soo socda waxaa lasoo saari doona……..”Wasiir Xirsi

Ankara:18-Jan-2014 (SDN)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah waftiga Somaliland u Metelaya Wadahadallada haatan ka socda Turkiga, ayaa ka Hadlay Arartidiisa ku aaddan Shirka Socda.

turgiWasiir xirsi oo Qoraallo uu arrintan ku faafaahinayo soo Dhigay Bogga uu ku Leeyahay Face-book-ga, ayaa xusay inay wafti ahaan ku Hadlayaan Codkii iyo Rabitaankii shacabka Reer Somaliland oo aanay  ahayn dad sal fudayd iyo Talo La’aan ula Hadlaya Somaliland.

Wasiir Xirsi ayaa Qoraalka oo Arrinta Shirka Kaga Haddlay ee uu Boggiisa Face-Book-ga soo Dhigay u dhigay sidatan:

“Waxaa si toos ah u furmay wada hadaladii aan la lahayn dawlada aan jaarka nahay ee Soomaliya.Waxaan fadhinaa madal marag iyo markhaatileh Waxaa kulankan marti-gelinaysa dawlada Turkey-ga. Balsecaalamka oo dhan ayaa codkeena maqlaya.

Waxaan fadhinaa Geed aan ugu gar-naqsanayno beesha caalamka iyo dawlada Soomaliya-ba.Waxaan miiska saarnay wixii naloo igmaday, oo ah gaadhsiinta codka shacabkayaga meel dheer.Maalmaha soo socda waxaa lasoo saari doona qodobada xayn daabka u noqon doona wada hadalkan Ajenda’-yaashi kulankan.

Waxaan qalbiga ku haynaa yoolka kulamadan oo ah in aan beesha caalamka iyo Soomaliya-ba ku qancino in codka aanku hadlayno yahay mid ku qotoma afti shacab iyo rabitaan umaddeed.

 

Waxaan Rajaynaya in Caalamku ku Qanco in Somaliland tahay Qaran Qiraal u Baahan. Wa Bilaahi Tawfiiq”.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com