Uncategorized

Ciidamada Kenya Oo Kadinka Hore Ee Garoonka Joma Kenyata Ku Dilay Wiil Somali ah oo Gaadhi Watay

Nairobi:18-Jan-2014(SDN)- Waxa Xalay Fiidkii Ciidanka Kenya ku Dileen  Irrida Hore ee Garoonka Diyaaraduhu ka Haadaan ee Jomo Kenyata Wiil Soomaaliyeed oo Gaadhi Watay.

kilidhCiidanka Kenya ayaa sheegay inuu Wiilkaasi Iska Dhego Tiray Digniino ay ciidanku ku istaajinayeen Gaadhiga uu Watay, waxana ay taasi keentay inay Rasaas si Toos ah ugu ridaan,  isagoo halkaas ku Geeriyooday.

Wali Warar Madax Bannaani Arrintan kama ay soo Bixin, balse Ciidanka ayaa  sheegaya inay Rasaas Huwiyeen Marxuumka oo lagu Magacaabo Mustafe in laga shakiyay gaadhiga kadib markii ay sheegeen in Garoonka Joma Kenyata lagu Weeraray Qarax Bam.

 

Warar ay Qoreen Wargaysyada ka soo baxa Kenya ayaa lagu sheegay in Wiilkan uu ahaa Somali haysta dhalashada Kenya, waxaana la sheegay in Ciidamada Kenya ay ku amreen in uu Gaadhiga Joojiyo, balse ay Rasaas ku Fureen, waxaana la sheegay in Goobta uu ku Geeriyooday Marxuum Mustafe.

 

Sidoo kale Maydka Marxuumka iyo gaadhigii ayaa la sheegay in ay Ciidamada amaanka Kenya ku wadaan baadhitaan, mana jiraan wali war ka soo baxay Saraakiisha amaanka Ee Ciidamada Kenya.

Somalida ayaa inta Badan ku dhimata si Fudud, waxana jira in Magaalooyinka Hargeysa, Muqdisho iyo Garowe-ba Kiisas Noocan oo kale ahi ay ka jiraan oo Dhalinyarada Habeenkii ay ciidanka Ammaanku laayaan marka ay Maqli Waayaan Joojinta Ciidanka.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com