Muqdisho:18-Jan-2014(SDN)-Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan Ra’isal wasaare Cabdiweli soo Dhisay, ayaa ahayd middii ugu muranka iyo Isqabqabsiga badnayd ee dhawaanahan laga Aasaaso Somaliya, waxana si weyn u hadal haya dadweynaha Somaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.
Sababaha keenay inay shacabku si weyn u hadal hayaan, ayaa waxa ugu weyn inay tahay xukuumadd ka Ballaadhan middii saacid, taas oo keenaysa inay Beeluhu si weyn iskaga Raadiyaan waxa ay ka Heleen.
Qaab-dhismeedka Golaha Wasiirada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan ayaa loo qeybiyay qaabka Wada siman, Waxaana loo Wada Qaatay Min 5 Wasiir iyo 5 Wasiiru Dowle iyo ku Xigeeno.
Habadaba Qabiilada Wasiirada ayaa Kala ah Sida aad hoos ka arkayso:
1. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare(Hawiye-Xawaadle)
2. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed(Hawiye-Habar Gidir)
3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow(Hawiye-Murusade)
4. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan(Hawiye-Baadi Cadde)
5. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow(Hawiye-Gaaljecel)
1. Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed(Daarood-Majerteen)
2. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar(Daarood-Dhulbahante)
3. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane(Daarood-Ogaadayn)
4. Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase(Daarood-Layla kase)
5. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel(Daarood-Warsangali)
1. Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow(Digil/Mirifle-Jiido)
2. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud(Digil/Mirifle- Jilible)
3. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin(Digil/Mirifle- Leesaan)
4. Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali(Digil/Mirifle-Bagadi)
5. Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed(Digil/Mirifle…..)
1. Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed(Dir/Habar yoonis)
2. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle(Dir-Gudubiirsi)
3. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed Oday (Dir/Habar Jecel)
4. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan (Dir / Gaadsan)
5. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed(Dir …)
1. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed(Beesha Shanaad…..)
2. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil(Beesha Shanaad……)
3. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye(Beesh Shanaad…..)
4. Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud(Beesha Shanaad……)
5. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar(Beesha Shanaad…….)
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
