Hargeysa Jan 18,2014(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa in uu safarka uu ku tagayo dalka Faransiiska in uu yahay mid shakhsi ah sida ay noo xaqiijiyeen ilo waredyo ku dhaw madaxtooyada.
Safarkan oo la sheegay in uu yahay mid caafimaad ayaa lagu wadaa in uu madaxweynuhu uu dalka uga maqnaado mudo dhawr bilood ah sida aanu ka soo xiganay isha warakan.
Xaalada caafimaad ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa in muda ahba ay saxaafada Somaliland wax ka qoreysay.
Awoodaha aan dastuuriga aheyn ee qaar ka mida wasiirada iyo qoyska madaxweynaha ayaa loo aaneyaa xaalada caafimaad ee madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaatee madaxtooyada Somaliland ayaan ka hadal xaalada dhabta ah ee madaxweynaha iyo xiliga uu safarka u baxayo.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
