Hargaysa 18.Jan 2014 (SDN)-Madaxweyne ku xigeenka jsl ahna ku Simaha Madaxweynaha Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [saylici] ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay wasaarada arimha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah.
Xafladasi oo ka dhacday xarunta wasaaradaasi ayaa waxa kasoo qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumada ,Waxaana Madaxweyne Ku Xigeenka Halkaasi ku Soo Dhaweeyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Cali Cabdi Saa’iq, xildhibaano iyo marti sharf kale waxaana halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada md maxamed xasan siciid oo sheegay in dhismahani uu yahay dhisme kooban oo loogu talo galay in si ku meel gaadh ah wasaaradu ugu sii shaqayso basle dhismaha balaadhan dhawaan la bilaabi doono waxaanu u mahad celiyay marti sharaftii kasoo qeyb gashay xaflada.
Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada dibada md mawliid maxamed ibraahim oo ka hadlay hallkaasi ayaa sheegay in dhismahu ka kooban yahay lix iyo toban qol kuwaas oo ay kusii shaqyn doonto wasaaradu islamrkaa ay hada usoo wareegi doonaan waxaanu intaa ku daray marka la damayas tiro dhismaha weyn in ay soo wareegi doonaa hayadaha hoos yimaada wasaarad.
Madaxweyne ku xigeenka jsl md cabdiraxamaa cabdilaahi ismaaciil saylici oo ka hadlay halkaas ayaa sheegay in uu u mahad celinayo hayadaha fuliyay dhismaha xafiisyadaasin ay ku shaqayn doonto wasarada arimaha dibadu waxaanu intaa ku daray in dhismahani uu ka mid yahay waxqabadka dhinaca horumarinta ee xukuumadu ay fulisay mudadii ay jirtay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
