Uncategorized

Wada Hadaladii Somaliland iyo Somalia oo Meel Adag Maraya Xili uu Gebo gebo yahay Maalmihii loo qorsheeyay

Istanbul 18.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka amniga qaranka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo maalintii saddexaad ka soconaya magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Kulan-Soomaaliya-iyo-SomalilandWasiirka oo u warramay BBC ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan wadahadallada, iyada oo ajandaha shirka ee maanta uu yahay qiimayn lagu samaynayo heshiisyadii horay loo gaaray waxyaabihii ka hirgalay iyo in Road-map loo sameeyo wadahadallada.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in is af garashada labada dhinac ay u baahan tahay waqti dheer iyo fadhiyo badan oo laga sameeyo qodobbada ka hadlaya mustaqbalka labada dhinac.

Wasiirka ayaa xusay in mar walba ay dowladda Soomaaliya u samaynayso tanaasul waxyaabaha aan dhaawacayn midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Geesta Kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee  Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Sheegay in Qadiyada Gooni Isu Taaga iyo Dib Ula Soo Noqoshada Madax banaanida Somaliland inay Tahay arrin aanay Gorgortan ka Galayn Waxaanu Ku Sifeeyay Masiir aayo ka Tashi oo Cid Wax ka Bedeli kartaa aanay Jirin .

Istanbul SDN.

Qurbejoog.com